Fahamka Niyadjabka
Waxaa diyaarisay: Juweria Abdiwali "certified mental health counselor, Executive Manager of Kaaba Mental Therapy"
Hordhac
Niyadjabku waa xaalad caafimaad oo baahsan oo ku dhacda maanka dadka, taas oo ay la nool yihiin malaayiin qof oo ku nool adduunka oo dhan, iyadoo qofku uu dareemi karo sida daruuro madow oo noloshiisa harayey, kuwaasoo ka qarinaya rajada iyo farxadda. In la fahmo niyadjabka waa tallaabada koowaad ee lagu helikaro waddo taageero iyo waxtar leh.
Blog-gaan waxan ku fahmi doonnaa calaamadaha, sababaha iyo in la helo daaweyn ku habboon niyadjabka, anagoo sidoo kale eegayna habab dhiirigelinaya oo rajo iyo soo kabasho leh.Waxaan sidoo kale baaraynaa tirakoobyada caalamiga ah ee niyadjabka iyo xogaha gaarka ah ee la xiriira niyadjabka Soomaaliya.
Waxaan ku ogaan doonaa qormadan sida loo heli karo adeega caawinta deg degga ah ee lagu caawinayo dadka la nool niyadjabka iyo xanuunada kale ee ku dhaca maanka.
Waa maxay niyadjabku?
Niyadjabka oo caafimaad ahaan loo yaqaan major depressive disorder (MDD) waa wax ka baaxad wayn kaliya in la dareemo murugo. Waa xanuun niyadeed oo culus oo lagu garto dareenka joogtada ah ee murugada, niyad-jabka iyo xiisaha la'aanta hawlihii markii hore la jeclaa. Xaaladdan waxay carqaladeyn kartaa nolosha maalinlaha ah, iyadoo saameyn ku yeelanaysa shaqada, xiriirada,
iyo caafimaadka guud.
Calaamadaha niyadjabka
- Dadka ayaa ku kala duwanaan Kara calaamadaha niyadjabka lagu garto, laakiin badanaa kuwa la dareemo waxaa ka mid ah:
- Murugo Joogto Ah: Dareen joogto ah oo murugo ama cidlo
- Luminta Xiisaha: Hoos u dhac ku yimaada ku farxida hawlaha markii hore qofku jeclaa.
- Daal: Daal joogto ah iyo tabar la’aan.
- Khalkhal ku yimada Hurdada: Hurdo la’aan ama seexashada xad-dhaafka ah.
- Khalkhal Rabitaanka Cuntadaa: calaamadaha luminta miisaanka ama korodhka miisaanka.
- Dareen Niyad Xumo: Dambi badan inaa dareentid ama in aadan isku filnayn.
- Fikirka Is-dilidda: Fikrado ku saabsan is-dil ama is-dhibaateyn.

Xogaha caalamiga ah ee niyadjabka
Xogaha caalamiga ah ee niyadjabka
Caalamka, niyad-jabku waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee naafeeya maanka bini'aadamka, Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO):

- In ka badan 264 milyan oo qof oo da' kasta leh ayaa la ildaran niyad-jabka.
- Baahitaanka niyad-jabka ayaa si aad ah u kordhay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo uu kor u kacay xilligii Covid-19.
- Dumarka ayaa ragga uga sarreeya inay la kulmaan xaalada niyad-jabka marka la barbar dhigo ragga, iyadoo heerka faafitaanka niyadjabku uu yahay ku dhawaad 5.1% dumarka iyo ragga oo ah 3.6%
- Niyadjabka ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono shayga koowaad ee sababa cudurada adduunka marka la gaaro 2030-ka, sida war bixintaan ku cad.

Xogaha niyadjabka ee Soomaaliya
Xogaha niyadjabka ee Soomaaliya
Soomaaliya, xaaladaha la xiriira xanuunada maskaxda waa kuwa aad u adag in laga helo xog sax ah, sababo la xiriira xasilooni daro ay wajahaan bulshada oo ka dhashay dagaalo sokeeye, barakac iyo abaaro.
Tirakoobyada muhiimka ah ee laga sameeyey niyadjabka waxaa ka mid ah:
Somaliya qiyaastii 3-dii qof hal kamid ah ayaa la nool xanuunada maanka, iyadoo niyadjabku yahay midka ugu badan.
Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa muujineysa in qiyaastii 30% dadka ay la noolyihiin niyadjabka ama xaalado la xiriira walbahaarka.
Faquuqa ku saabsan arrimaha caafimaadka maanka ayaa weli ah caqabad weyn oo hortaagan raadsashada caawimaada, iyadoo sidoo kale dad badan aysan ogeyn ilaa hadda in la heli karo caawimaad.
Adeegyada caafimaadka maanka ayaa ah kuwa xadidan, iyadoo in ka yar 1% kharashaadka caafimaadka loo qoondeeyay arrimaha caafimaadka maanka.

Fahanka waxa sababa niyadjabka
Fahanka waxa sababa niyadjabka
- Niyaadjabku badanaa wuxuu ka yimaadaa arimo badan oo isku tagay, oo ay ka mid yihiin:
- Inaad Dhaxashid: haddi horey qoyskaagu u lahaa niyadjabka waxaa laga yabaa inaad adna xaladaas wajahdid.
- Hab dhiska kiimikeed ee maskaxdaa: Isku dheelitir la'aanta kiimikada maskaxda, sida serotonin iyo dopamine, waxay door muhiim ah ciyaarayaan niyadjabka.
- Arrimaha Deegaanka: dhacdooyinka kala duwan eed degaanka kala kulantid ayaa Iyana saameyn kugu yeelan karta kuguna sababi kadha niyadjabka.

Daawaynta niyadjabka
Daawaynta niyadjabka
Daaweynta 1aad :( hadal ku daaweyn, qaadashada la-talin caafimaadka maanka ah)

- Hagaajinta Fikirka iyo Dhaqanka: Habkan oo ah mid xaqiiqo ku salaysan wuxuu kaa caawinayaan in la helo dabeecadaha iyo dhaqamada taban loona badalo kuwa togan.
- Hagaajinta Xiriirka: Habkan wuxuu kaa caawin in la saxo arrimaha shakhsigaa lana dhiso xiriirada si loo helo kabasho.
- Hagaajinta hab Fikirka: Habkan wuxuu kaa caawin dajinta qofka iyo in la helo habka lagu maareeyo walwalka iyo walaaca.

Daaweynta 2aad: (daawo ku daweyn)
Daaweynta 2aad: (daawo ku daweyn)
- Dawooyinka Niyadjabka (Antidepressants): qaadashada dawooyinka sida (selective serotonin reuptake inhibitors) waxay ka caawin in laysku dhelitiro dheecaanada iyo kiimiikoyinka jirka waxaana loo isticmaalaya niyadjabka.

FG: Ha cunin dawadaan dhakhtar la’aan.
FG: Ha cunin dawadaan dhakhtar la’aan.
Daawaynta 3aad: (bedelida hab dhaqanka Nolosha)

- Jimicsi Joogto Ah: jimicsigu wuxuu kamidyahay hababka lugu yareeyo niyadjabka, iyadoo jirku sii deynayo (endorphins) dheecaano hoos u dhigaya niyad jabka.
- Cunto Caaflmaad Leh: Cunida cunto isku dheelitiran oo hodan ku ah
- nafaqooyinka waxay si wanaagsan u saameyn kartaa caafimaadka maanka.
- Hurdo Ku Filan: seexashada Hurdo kugu filan waxay caawin kartaa in la hagaajiyo niyadaada iyo kor u qaadida tamarta.

Habka loola Qabsado Nolosha Maalinlaha Ah

- Xiriir La Yeelo: La xiriir saaxiibadaa iyo qoyskaga, taageeradoodu waa muhiim si aad uga gudubto dareenka kalinimada.
- Naftaada U Naxariiso: Iska ilaali inaad naftaada xumeysato, iskuna day inaad fahamto in ay tahay caadi inaad sidaas dareento iyo in soo kabashadu ay waqtigeeda qaadato.
- Ka Qaybqaado Hawlaha maalinlaha ah: Xitaa haddii ay kugu adagtahay ka
- qaybqaadashada hiwaayadaha iyo hawlaha aad mar hore jeclayd waxay kaa caawin kartaa inaad kor u qaado niyadaada.
- Deji Yoolal Macquul Ah: Hawlaha u kala qaybi talaabooyin yaryar oo la maareyn karo si aadan u dareemin cadaadis.
- Raadi la talin caflmaad ee maanka: iskuday in raadisid ama la kulantid lataliye cafimaad si uu kuu cawiyo.

Taageero Degdega ah: Adeega Caawinta ee Kaaba Mental Therapy
Dadka ku jira xaalada deg degga ah ee u baahan gargaar degdeg ah, numberka caawinta Kaaba wuxuu bixiyaa dhageysi naxariis leh iyo la talin caafimaadka maanka ah. iyadoo ay ku shaqeenayaan la-taliyayaal caafimaadka maanka ah oo ku siinaya taageero iyo tallooyin u gaar ah dadka qaba niyadjabka iyo dhamaan xanuunada maanka.
Lambarka Caawinta Khadka ama internetka gaar ahaan whatsApp : [+252907949431]
xasuusnoow, raadinta caawimaaddu waa tallaabo muhiim u ah bogsashada. Keligaa ma tihid - caawimaad ayaan diyaar kuula nahay.

Helitaanka rajada "Bar bilowga bogsashada"

Ku noolaanshaha xaalada niyad-jabka adigoon caawimaad raadsan waxaad ku dareemi kartaa kelinimo, laakiin waxaa muhiim ah in la xasuusnaado in bogsashada iyo rajada ay suurtagal yihiin.
Dad badan ayaa ka kabsaday niyad-jabka, ka dib markii ay heleen waxbarasho cilmi-nafsi ah, daawayn iyo isbeddel lagu sameeyay qaab nololeedkooda, taageerid iyo sheekooyinka adkeysiga. Bogsashada waxay ku tusinaysaa inaadan kaligaa ahayn oo caawimaad lagula garab taagan yahay.

Helitaanka Dhiirrigelinta
Helitaanka Dhiirrigelinta
- Buugaag: Akhrinta buugaagta ku saabsan dad horey niyadjabka uga kabtay waxay ku siinayaan dhiirigelin.
- La kulanka dad ku caawinaya: la kulanka dadka fahmaya kana caawinaya xaladaas waxay ku siin dhiiranaan aad ku kabato.
- Khadadka/internetka Caawinta: waxaa jira khadad sameeya caawimaad degdega kuwaasoo kuu samaynaya la talin cafimaadka maanka ah oo ay kaaba mental therapy kamid tahay.

Dhamaadka
Dhamaadka
Ka gudbida hooska niyadjabka waa safar adag, laakiin inaad fahamto xaalada aad ku sugan tahay oo aad caawimaad raadsato waxay kaa saari kartaa harka oo waxaad ka heli kartaa maalmo iftiimaya. Iyadoo loo marayo xulashada daaweynta saxdaa, tarbiyaynta nafta iyo raadinta bulsho laga heli karo taageero, dadku waxay heli karaan bogsasho iyo rajo. Xusuusnow inaad raadsato caawimaad waa wadada koowaad ee bogsashada, sidoo kale ogow waxa mar walba jirta waddo loo maro bogsashada. Kaligaa ma tihid rajo ayaa jirta, waxaa ku sugaya mustaqbal ifaya oo kaa saari kara mugdiga niyadjabka.

References
References
Craft, L. L., & Perna, F. M. (2004). The Benefits of Exercise for the Clinically Depressed. Primary Care Companion to the Journal of Clinical Psychiatry, 6(3), 104-111.
Fava, M., & Davidson, K. G. (1996). Definition and epidemiology of treatment- resistant depression. Psychiatric Clinics of North America, 19(2), 179-200.
Gonzalez, M. (2019). Mental health in Somalia: Challenges and opportunities. Journal of Mental Health Policy and Economics, 22(1), 5-12. 4. Hofmann, S. G., Asnaani, A., Vonk, I. J. J., Sawyer, A. T., & Fang, A. (2012). The E cacy of Cognitive Behavioral Therapy: A Review of Meta-analyses. Cognitive Therapy and Research, 36(5), 427-440.
Kabat-Zinn, J. (1990). Full Catastrophe Living: Using the Wisdom of Your Body and Mind to Face Stress, Pain, and Illness. Delta.
Sarris, J., et al. (2015). Nutritional Psychiatry: The Role of Diet in Mental Health. Australian & New Zealand Journal of Psychiatry, 49(5), 367-368. 7. Walker,
A. (2017). Why We Sleep: Unlocking the Power of Sleep and Dreams. Scribner. 8.
Weissman, M. M., et al. (2000). Interpersonal Therapy for Depression: A Comprehensive Guide. The Guilford Press. 9. World Health Organization. (2021). Depression. Retrieved from WHO website

Comments