Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?
Waxaa diyaarisay: Maryam Mohamud (certified mental health counselor)
Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?
Culaysku maaha cadow ee waa fursad aad naftaada ku baranaysid!
Hordhac
Dunida aan maanta joogno ayaa noqotay mid aad deg-deg u ah sida darteed culaysyada iyo wal walka ayaa noqday kuwa sii siyaadaya si kastay ahaataba maaraynta culaysyada kusoo wajaha waxay muhiim u tahay caafimaadka maanka iyo tan ruuxdaada. Halkaan waxaan kuugu soo gudbinayaa qaar kamid ah habab wax ku ool ah oo kaa caawinaya inaad la tacaasho culaysyada nolosha iyo inaad samaysato hab nololeed oo isu dheelitiran.
1. Noqo Qof dareemihiisa ku baraarugsan
2. Noqo Qof firfircoon
3. Cun cunto nafaqo badan
4. Muhiimadda sii hurdadaada
5. Muhiimadda sii xiriirada bulshada
6. Waqtigaaga maaree
7. Raadi waxaad jeceshahay
8. Samee jimicsiga neef qaadashada xoogan
Inaad fikir ahaan soo jeedo waxay ka dhigantahay inaad joogto oo aad ka warqabto fikradahaaga iyo dareemadaada adoon xukumin.
Uqorshee dhowr daqiiqo maalinkii ugu yaraan si aad dareenkaaga uga warqabtid adigoo diiradda saaraya inaad ogaal uyeelato dareemahaaga kana mahad naqaya nimcooyinka uu ilaahay kuu galay tani waxay kaa caawin kartaa inay dajiso shucuurtaada ayna noqdaan kuwo adkaysi u leh xaaladaha kusoo wajahaya.
Jimicsiga ayaa ah hab wax ku ool leh oo lagu yareeyo Culayska iyo walwalka, soco maalinkii ugu yaraan 30 daqiiqo.
Jimicsiga joogtada ah kaliya maaha inuu kor uqaadayo niyadaada balse wuxuu kaa dhigayaa ruux wax soo saar leh.
Cunto isu dheelitiran ood cuntaa waxay hagaajin kartaa niyadaada iyo heerka tamartaada qaado cuntooyinka isu dheelitiran sida khudaarta cagaaran cuntada baalka leh iyo cuntooyinka qaniga ku ah omega-3 sida kalluunka oo kale cuntooyinkaan waxay kaa caawinayaan inuu caafimaadka maaankaaga uu wanaagsanaado sidoo kale ha iloobin inaad biyo kugu filan cabto si uu jirkaaga u helo qoyaankii ku filnaa
Hurdada waxay muhiim u tahay maaraynta Culayska 7-8 saacadood seexo habayn kasta adigoo hal waqti isbaraya inaad seexato sidoo kalena soo kacdid ku dadaal inaad akhrisato adkaarta hurdada intaadan seexan Meesha aad seexanaysana ha noqoto mid nadiif ah mugdi ah sidoo kalena qaboow ah ka dheeroow wax kasta oo saameyn ku yeelan kara hurdadaada sida inaad Meesha aad seexanaysid ku isticmaashid mobile.
Xiriirada adag ee aad la samaysato qoyska iyo saaxiibada waxaa ka helaysaa taageero muhiim ah xilliyada Culayska aad dareemayso.
Mid muhiim ah hakuu noqdo inaad xiriir adag la samaysato cidda aad jeceshahay, ka qayb qaadashada adeegyada bulshadu sidoo kale waxay kor uqaadaysaa dareemida inaad tahay qayb kamida bulshada.
Waqtigaaga oo si wax ku ool ah umaaraysid waxay fure utahay maaraynta Culayska isticmaal habqoraal aad ku maaraysid shaqooyinkaaga maalinlaha ah sidoo kale baro inaad Maya dhahdid wixii waajibaad dheeri ah oo culayskugu ah tani waxay kaa caawinaysaa inaad ku noolaatid nolol isu dheelitiran oo caafimaad leh.
Inaad ka qayb qaadato howlaha aad jeceshahay waxay daawo utahay walwalka hadii ay tahay akhris, cuno,Karin farshaxan IWM waqti u samee waxa aad jeceshahay oo ku farax galiya howlahan ayaa ah habwayn ood nasashana ka helaysid kuna soo kabanaysid
Qaadashada neef qoto dheer waxay si dhaqso ah u yaraysaa culeysyada.
Isku day inaad si qotodheer neef uqaadatid adigoo sankaaga neef ka qaadanaysid kadib hay neeftaas afar ilbiriqsi si tartiiba uga sii daa afka habkaan waxuu kaa caawinayaa inaad degto
Maaraynta Culayska waa safar aad keligaa qaadaysid waxaana muhiim ah inaad hesho istiraatiijiyad kugu haboon adiga oo ku dhaqmaya feejignaan dhanka dareemahaaga ah iyo firfircooni jireed sidoo kalena adoo daryeelaya ama adkeenaya xiriirka Allah iyo xiriirada aad la leedahay bulshada.
Tani waxay kuu samayn kartaa inaad yeelato adkaysi ka dhana Culayska
Xasuusnow waa wax caadi ah in la raadsado caawimaad hadii culaysku noqdo mid xad dhaafa.
KAABA MENTAL THERAPY waxay kaa caawinaysaa inay dhagaysato dhibkaaga, xal waarana kula gaarto iyada oo sirtaada laguu ilaalinayo.
Gabagabo
Nagala soo xiriir numberka shaqada: +252907949431
Noqo ruux wacyi leh fikir ahaana soo jeeda!
Mahadsanidiin

Comments