MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

 


XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO


Waxaa diyaarisay: Asia Hersi "Psychotherapist"


" Xanaaqu xal ma keeno!"

Siduu Abu Hurayra ka wariyey Nabigeena (SCW), nin ayaa wuxuu yiri nabi Allow I dardaaran, rasuulkuna (SCW) wuxuu yiri "Ha xanaaqin", Isagoo dhowr jeer ku celcelinaya.

Waa Maxay Xanaaq?
xanaaqu waa Dareen jawaabcelin ah oo xooggan kaas oo ka dhasha waxyaabo kala duwan sida; khatar qofka uu dareemayo, cadaalad darro, ku gardarrood/dulmi iyo buuq qabsaday, iyadoo qofku u muujinayo siyaabo kala duwan, laga bilaabo xanaaq yar ilaa cadho aad u daran. In kasta oo xanaaqu yahay jawaab caadi ah, haddana waxay noqon kartaa mid dhibaato ah  marka ay horseedo dhibaatooyin kala duwan sida; dabeecado adag oo qalafsan, dhibaatooyin caafimaad, is faham darro iyo xiriiro aan wanaagsanayn dadka dhexdooda. sidoo kale dadka qaybtood waxaa caado iyo dhaqan ka noqda agtooda xanaaqa iyagoo marwalba oo ay wax doonayaan ku muujinaya habkaas.

Waxyaabaha sabababa Xanaaqa

- stresska:
Dhacdooyinka nolosha ee culus oo qofka soomaraya ama la noolyahay xilligaas iyo cadaadis joogta ah oo ka haysta dhinacyada nolosha sida; xidhiidhada, guurka, shaqada, waalidka, ilmaha ama waxbarashada ayaa kordhin kara xanaaqa iyo cadhada joogtada ah ee qofka.
- Niyad Jabka ama isku buuqa: Xaalad qofka markaas uusan xalkeeda gaari karin ama uu ka niyad jabsanyahay ayaa gaarsiin karta xanaaq daran, sida; Eed aadan lahayn oo lagu saaray, wax la khalday ama shaqo aad rabtay oo sideedii loo qaban, dhamaantood waxay ku gaarsiin karaan cadho daran.
- Cadaalad Darro: Dhiirigelinta cadaalad darro ama xadgudubyo lagu sameeyo qiyamka shakhsi ahaaneed ee qofka ama qof aad eheltihiin ama islaamnimo ugu damqaysidba ayaa keeni kara falcelinno xoogan oo xanaaq ah.

Fiiro gaar ah: Fahamka Sababta kugu keenaysa xanaaqa ayaa keensanaysa inaad ka hor tagtid oo si wanaagsan u maareeysid xanaaqaaga.


Cawaaqibka xun ee ka yimaada haddan si fiican loo maarayn Xanaaqa


- Dhibaatooyin Xidhiidhada dadka kaala dhexeeyo:  Soo noqnoqoshada xanaaqa iyo is xakamayn la'aanta qofka waxay dhaawici karaan xidhiidhadaada shakhsiyeed iyo kuwaaga bulsho ee kaala dhaxeeyo dadka, iyadoo ay hoos u dhigi karto maqaamka aad agtooda ka joogtay.
- Dhibaatooyin Caafimaadka: Xanaaqa joogtada ah ayaa qofka ku sababi kara xanuuno badan oo ay ka mid yihiin dhiig karka, xanuunada ku Dhaca wadnaha iyo maskaxda.


Habab caafimaad qaba oo aad ku maarayn karto Xanaaqa

1. Fahamka halka ay diinteena suuban gaysay xanaaqa
sida aan kor ku soo xusay rasuulkeena waxa uu ka dardaarmay inuusan qofka muslimka ah xanaaqin iyadoo laga soo wariyay rasuulka (Salalahu calayhi wasallam) in uu yiri "Haddaa xanaaqdo aamus" markalena uu yiri "Xanaaqu shaydaan buu ka sugnaaday", waxaa kaloo laga wariyay "Hadduu qofkiin xanaaqo isagoo taagan ha fadhiisto". halkaas waxan ka baranaynaa meesha ay gaysay xanaaqa diinteena in uusan ahayn wax fiican, ayna tahay inan iska xakamayno.

2. Aqoonsiga Calaamadaha Digniinta ku siinaya ama Falcelintaada hore
Ka hor inta aadan garan aqoonsiga amase fahamka calaamadaha digniinta ah waxaa muhiim ah inad leedahay naf ogaal, oo aad ka warqabto xaaladda aad markaas marayso, marka aad aqoonsato calaamadaha jireed iyo dareen ee muujinaya xanaaqaaga oo kordhaya, sida inaad cod dheer ku hadlaysid, muuqaalka wajigaaga oo is badalay, garaaca wadnahaaga oo kordhay, dadka qaybtoodna gacmaha feer ku duubta, amase waxa agyaala qaata, iyo inaad dareemaysid cabursanaan, calaamadahan oo ku tusinaya in xanaaqaagu siyaadayo, aqoonsiga calaamadahan kore waxay kaa caawinayaan inaadan qaadin waxtallaabo ah oo aad dareemahaaga xakamysid, taas oo ah maarayn wax ku ool ah.

3. Samaynta Neefsashada Qotoda Dheer/ xooggan
Jimicsiga neefsashada qotoda dheer waxay kaa caawin karaan in aad degto oo wadno garaaca iyo calaamadaha kaleba ay kaa yaraadaan. Qaado neef xoogan oo qoto dheer adiga oo diirada saaraya neefta aad qaadanayso sida jirkaaga u galayso iyo soo bixideedaba, tan waxay yareyn kartaa xanaaqa waxayna kor u qaadi kartaa inaad degto ama xasisho.

4. Mar walba Isticmaal kalmadda  “Aniga”
inaad ka hadashaa habka aad wax u rabtaa waa furaha xakamaynta cadhada mise xanaaqa. 
marwalba isku day inaad oga hadasho dareemahaaga hab caafimaad qaba adiga oo isticmaalaya kalmadda "aniga" (tusaale, "Aniga waxan dareemayaa niyad jab markii...", Aniga ma jecli in hadalkaas la igu dhaho..,Aniga waxaa jeclahay balanta in la ii ilaaliyo) halkii aad ka sugi lahayd in laguu garto in laguu sameeyo sida aad doonayso. 
Habkan wuxuu xoojinayaa wada hadalka iyo is fahamka wuxuuna yareeyaa khilaafka iyo is-faham waaga dadka kaala dhexeeya.

5. Samee jimicsi jireed
Jimicsiga jirka waa mid ka mid ah hababka wax ku oolka ah ee lagu yareeyo xanaaqa. jirkaaga u dir shaqooyin kala duwan; sida socodka, orodka, ama ciyaarta kubadda, kuwaas oo ka caawin kara yareynta cadaadiska dareen ahaaneed sidoo kalena hagaajinaya niyaddaada.

6. Marwalba hormari habka aad dhibkaaga/dhibaatooyinkaaga ku xallisid
Marwalba isku day inaad baratid hab habkii hore ka fiican oo ka fudud dhibaato xallintaada, isku day inaad fahamto dareemahaaga, waxa kicinaya, hab falcelintaada, meesha dhibku kaaga imaado, samaysashada xuduudo caafimaad qaba, habka aad xanaaqaga u maarayn lahayd marka aad la kulanto waxyaabaha aanan ku khusayn iyo kuwa aadan waxba ka qaban karin, sidoo kale hagaaji naf la hadalkaaga, marwalba u sheeg naftaada inaad xanaaqaaga xakamayn kartid.

7. Raadi caawimaad oo la kulan la-taliye Caafimaadka maanka ah
Haddii cadhadu noqoto mid aadan kaligaa maareyn karin, waa muhiim in aad ka raadsato caawin la-taliyayaal caafimaadka maanka ah, kuwaas oo ku siinaya istaraatiijiyado gaar ah iyo la-talin xaaladaada ah si loo xalliyo arrimaha hoose ee marwalba keenaya xanaaqa.

8. Habka aad u maaraynaysid xanaaqa caruurtaada ama kuwa aad mas'uulka ka tahay

  • Bar ilmaha yar inuu ka hadlo ama qoro waxa ka xanaajiyay.
  • Bar habka wanaagsan ee diinteena tiri in loo xakameeyo xanaaqa.
  • Bar ilmaha yar inuu sameeyo neefqaadashada qotoda dheer si aayar ah.
  • Bar inuu sameeyo wax farxadgelinaya si dareemihiisa u badalmo.
  • Mar walba dhagayso ilmaha yar, dhibka uu ku sheeganayo.
Gabogabo
Xanaaqu waa dareen caadi ah, laakiin in si saxa loo maareeyo ayaa muhiim u ah xidhiidhada caafimaadka qaba ee kaala dhexeeyo dadka khaaska kuu ah iyo bulshadaba. 
Marwalba ogoow xanaaqu ma ahan wax xun ee waa hab aan caafimaad qabin (marka uu saa'idka yahay) ee jirku u doonayo inuu wax u xaliyo, isku day inaad raadsatid caawin marka aad dareento inaadan kaligaa xallin karin.

KAABA MENTAL THERAPY oo ah xarun ka shaqaysa caafimaadka maanka, waxay bixisaa la talin caafimaadka maanka ah, waxayna ku haysaa la talin gaar ah oo ay ugu talo gashay arrintan.
Nagala soo xiriir Numberka shaqada 
WhatsApp:+252907949431

 

Tixraac
1. American Psychological Association (APA) -Anger and Anger management
   - Website: www.apa.org
2. Mayo Clinic - Anger management, including symptoms, causes, and effective coping strategies.
   - Website: www.mayoclinic.org
3. National Institute of Mental Health (NIMH) - Mental health conditions, including anger and its management.
   - Website: www.nimh.nih.gov
4. Psychology Today - Mental health professionals on anger management strategies and the psychology behind anger.
   - Website: www.psychologytoday.com

Mahadsanidiin.

Comments

Popular posts from this blog

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?