Faa’idada ay leedahay hurdada hagaagsan (Sleep hygiene) iyo sida loo sameeysto.

 


Faa’idada ay leedahay hurdada hagaagsan (Sleep hygiene) iyo sida loo sameeysto.

Hurdada hagaagsan waa dagsashada iyo samaynta dabeecado iyo dhaqamo joogto ah, kuwaas oo kuu sahlaya inaad hesho Hurdo tayo iyo caafimaad leh.

Joogtaynta hurdada hagaagsani waxay muhiim u tahay guud ahaan caafimaad jirka iyo maskaxda qofka, haddii aadan helin Hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kadhaa caafimaad darro jireed iyo mid maskaxeed.


Faa’idada ay leedahay Hurdada hagaagsan

Faa’idadooyinka ay leedahay hurdada habboon wey badanyihiin laakiin waxaa kusoo koobayaa 4 qodob:

1. Faa'iido maskaxeed: seexashada hurdo tayo leh oo kugu filan, waxay muhiim u tahay joogtaynta iyo kor u qaadista hab fikirka togan iyo waliba inaad heshid xasilooni shucuureed ama dareemo ahaaneed. Hurdo yaridu waxay kuu horseedi kadha walwal iyo niyadjab (anxiety and depression).

2. Faa'iido jireed: seexashada hurdo kugu filan waxay kor u qaadaysaa difaaca jirkaaga, waxayna hoos u dhigaysaa khatarta xanuunada daba-dheeraada (chronic disease), waxay sidoo kale joogtaysa miisaankaaga.

3. Faa'iidada waxqabadka iyo waxsoosaarka: hurdada wanaagsan waxay kaa caawisaa inaad si fiican diirada wax u saarto, inaad wax qabad fiican yeelatid iyo inaad howl maalmeedkaaga iyo masuuliyadahaagaba si fiican u gudatid.

4. Hoos u dhigidda walwalka: hurdada wanaagsan waxay kaa caawisaa hoos u dhigidda heerka walwal ee naftaada, waxayna kaa caawisaa inaad si fudud u xallisid caqabadaha maalinlaha ah ee kuso wajaha.

Side loo samaystaa jadwal hurdo oo wanaagsan misana joogto ah

1. degsashada jadwal hurdo oo joogto ah: u deji waqti gaar ah xilliga  aad seexanayso, sidoo kalena aad ka kacayso hurdada maalin kasta, xitaa maalmaha fasaxa ah, tan waxay kaa caawin inaad naftaada u yeesho ama ku xidhid wax la dhaho "saacadda dabiiciga ah" taasa oo kuu sahlaysa isla wakhtigii inaad malin walba seexatid sidoo kalena ka toostid hurdada.

2. Samaysashada nidaam joogto ah hurdada ka hor: samayso caadooyin kaa caawinaya inaad xasishid hurdada ka hor, ama qabatid waxyaabo ku farxad gelinaya, sida akhriska, qubayska iyo samaynta jimicsiyo fudud.

3. Hagaaji goobtaada hurdada: hubi qolkaaga hurdada inuu yahay mid nadiif ah, qabow sidoo kale mugdi ah ama isticmaal nalka hurdada, kana hubi inuusan lahayn wax kaa qasaya hurdada.

4. Iska yaree isticmaalka mobile ka: Jooji isticmaalka mobileka, computerka iyo TVga ka hor 1-2 saac xilliga hurdada, maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelanaysaa soo saarista dheecanada cariya hurdada in la helo (melatonin).

5. Fiiro gaar ah u lahoow waxyaabaha aad cunaysid iyo xilliga aad cunaysid: ka fogow cuntada culus sida hilibka iyo cabitaanada caffeine iyo coffee ku jirto sida qaxwaha xilliga huradada iyo waqti u dhowba waayo waxay kaa qasayaan hurdada waxayna sababayaan seexashada hurdo aan tayo badan lahayn.

6. Samee Jimicsi joogto ah: samaynta jimicsi joogta ah 30min maalintii, ama socodku waxay kaa caawinayaan inaad heshid hurdo caafimaad leh. F.G ka fogow jimicsiyada culus xilliga hurdada waqti u dhow.

7. Yaree hurdada tirada badan ee aad maalinkii seexato: haddii aad maalinkii seexatid yaree oo kusoo koob kaliya 20-30daqiiqo, kana fogow hurdada galinka danbe ee maalinta.

8. Yaree oo hoos u dhig walwalka: Hoos u dhig walwal ka iyo stress ka adoo isticmayala hababka fudud ee lagu maareeyo dareemaha sida qoridda dareemahaaga(journaling) iyo neefsashada qotada dheer (deep breathing) si aad daganaashiyo u dareentid hurdada ka hor.

9. U isticmaal sariirtaada hurdo kaliya: U isticmaal sariirtaada hurdo oo kaliya, si ay maskaxdaadu ula qabsato inay tahay meel hurdo oo kaliya, markasta oo aad timadidna aad hurdo u heshid.

10.  Raadso caawimaad: haddi aad la dhibtoonaysid hurdo xumo la xiriir dhakhtar kaa caawiya arrintas, haddii ay jiraan sababo la xiriira caafimaadka maskaxda sida; stress, iyo culaysyo kale, fadlan la xiriir la taliye caafimaadka maanka ah.

GUNAANAD

Hurdada hagaagsan waxay kaa caawisaa caafimaad qabka jirkaaga iyo maankaaga, wuxuu kaloo kuu sahlaa inaad samaysato hab nololeed wanaagsan oo badqab leh.


Waxaa diyaarisay Juweria Abdiweli "Certified Mh counselor"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?