FAHAMKA AUTISM-KA
FAHAMKA AUTISM-KA
Waa maxay Autism?
Autism ka ma aha cudur ama xanuun.
Waa xaalad caafimaad oo ku bilaamata caruurnimada hore waxay saamayn kartaa hab dhaqanka qofka, isgaarsiinta, dhex galka bulsho iyo sida qofku u dareemo wax yaabaha ku hareeraysan.
Calaamadaha hore ee Autism ka
1. Dhaqamo ama xarakaadyo is daba joog ah sida gacmaha o la ruxo
2. Xiisayn saa'id oo wax gaar ah uu xiisaynayo
3. Fahamka dareemaha dadka kale oo adag
4. Inuusan si toos ah kuu eegayn
5. Falcelin la'aan markii lala hadlayo ama la taabto
6. Hadalka oo kasoo daaha ama luuqada oo ku adkaata
Calaamadaha qaar hadii aysan saaid ahayn lama dhihi karo ilmaha wuxuu qabaa Autism hadii aysan Soo noqnoqon am aysan joogto ahayn.
MAXAA KEENA AMA SABABA AUTISM KA
Autism ka sababtiisa lama garanayo si toos ah balse cilmi baaris la sameeyey ayaa sheegasaa inuu la xariiro hidaha, deegaanka iyo cimilada.
WAXA MUHIIM AH IN LA OGAADO
Autism ku ma ah mid uu keeno talaal, tan Waxaa si buuxda u beeniyey cilmi baarisyo badan oo lasameeyey.
Sidoo kale ma sababi karto qaabka uu waaridku u koriyo ilmaha .
Waa xaalad maskaxeed mana la xiriirto jacayl la'aan ama daryeel la'aan .
CAQABADAHA IYO AWOODAHA
Markii aysan bulshadu la jaan qaadin ama aysan fahmin xaladaan wuxuu keenayaa caqabado
Waxaa ka mid ah
1. Dhibaato fahamka xiriirka bulsho ama ciyaarta caruurta kale
2. Walbahaar ama murugo joogto ah
3. Kacsanaan ka timaada ur ama taabasho
Dadka la nool xaaladda Autism ka waxay leeyihiin awoodo gaar ah sida:
1. Xusuus aad u xoog badan ama feejignaan
2. Daacadnimo
3. Aqoon qoto dheer shay gaar ah ama arimo gaar ah
4. Fikir Hal abuur leh oo xal u keena caqabadaha haysta qaybtood
AUTISM KA IYO CAAFIMAADKA MAANKA
Dad badan oo qaba Autisamka waxay la kulmaan xaalado kale oo Caafimaadka maanka ah sida:
Walbahaarka, niyad jabka, waswaaska(OCD), sidaa darteed daryeelka CAafimaadka maanka waa Inu ahaadaa mid la jaan qaadaya Autisamka .
SIDEE U TAAGEERI KARNAA QOF LANOOL XAALADA AUTISAMKA
1. Aqbal kala duwanaanshiyaha: marwalba u muuji aqbalaad, jacayl adoo ilaalinaya dareemahooda oo tixgalinaya kala duwanaanshiyaha.
2. Ula hadal hab furan: ula hadal si furan o aysan ku jirin hadal qalafsan
3. Dhiirrigalin iyo isku xirnaan; dhiirri gali markasta oo horumar gaaraan ama waxyaabaha yar yar ee aysameeyaan,
4. La xooji awoodoohooda; wax yaabaha uu ku fiican yahay sida sawirka ama xisaabaadka kala shaqee Kuna dhiirri gali
GUNAANAD
AUTISAM-ku ma aha cudur u baahan in la xaliyo ama daawo ee waa qayb ka mid ah kala duwanaanta aadanaha marka aynu ka gudubno fahamka qaldan oo aan u furnaano aragtiyada iyo fahamka dadka leh xaalada Autisamka.\
W/Q: Aisha Ahmed Barre
Comments