Doorka Bulshada Soomaaliyeed ee 16-ka Maalmood ee Ololaha Ka-hortagga Tacaddiyada Ku Saleysan Jinsiga
Doorka Bulshada Soomaaliyeed ee 16-ka Maalmood ee Ololaha Ka-hortagga Tacaddiyada Ku Saleysan Jinsiga (GBV)
HORDHAC
16-ka Maalmood ee Ololaha Ka-hortagga Tacaddiyada Ku Saleysan Jinsiga waa olole caalami ah oo sanad kasta dunida laga xuso, laguna muujiyo u istaagidda ilaalinta xuquuqda iyo karaamada haweenka, gabdhaha, iyo dhammaan dadka la kulma tacaddiyada ku dhasha jinsiga. Inkasta oo uu yahay olole caalami ah, haddana bulshadeenna Soomaaliyeed ayaa leh door gaar ah oo qoto dheer oo ku saabsan sidii loo fahmi lahaa, looga hortagi lahaa, loona yareyn lahaa dhibaatooyinka tacadiyadaha ah ee ka dhanka ah Jinsiga.
Soomaalidu waa bulsho leh dhaqammo qani ah, xiriir qoys oo xooggan, diintuna waa halbeeg hagta noloshooda. Hase yeeshee, arrinta tacaddiyada ku saleysan jinsiga weli waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu qarsoon, uguna dhaawaca badan ee bulshada dhexdeeda ka jira. Qormadaan waxa uu barayaa doorka ay beelaha, waalidiinta, culimada, dhalinyarada, iyo hay’adaha bulshada rayidka ahi ku leeyihiin ololahan 16-ka maalmood—waxaana diiradda la saarayaa sidii loo abuuri lahaa jawi badbaado leh oo mideeya aqoon, wacyigelin, iyo wax ka qabasho dhab ah.
Qodobka 1aad: Fahamka Asalka iyo Muhiimadda Ololaha 16-ka Maalmood
Ololahan waxa uu socdaa laga bilaabo 25-ka November (Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka) ilaa 10-ka December (Maalinta Xuquuqda Aadanaha). Ujeeddada ololaha waa in si qaran iyo si caalami ahba loo muujiyo in GBV-gu uu yahay ku xadgudub xuquuq aadanimo, islamarkaana uu dhaawac ku yahay bulshada, dhaqaalaha, iyo mustaqbalka jiilalka soo socda.
Bulshada Soomaaliyeed marka loo eego, waxa uu ololehan fursad u yahay:
1. In laga hadlo arrimaha la caadeystay ee tacaddiyada lagu qariyo sharafta qoyska.
2. In lagu dhiirrigeliyo aqoon ku saleysan shareecada, dhaqanka wanaagsan, iyo cilmi nafsiga.
3. In la xoojiyo taageerada haweenka iyo carruurta u nugul tacaddiyada.
Qodobka 2aad: Doorka Qoyska Soomaaliyeed – Halkii uu Ogaalka Ka Bilaaban Lahaa
Qoyska Soomaaliga waa halka ugu horreysa ee wacyiga, nabadgelyada iyo barbaarintu ka bilaabato.
Si Tacadiga loo yareeyo, waxa muhiim ah in qoysasku yeeshaan faham midaysan oo ku saabsan:
1. In tacaddigu uusan ahayn arrin sharafta qoyska lagu qariyo: Dhaqan ahaan, waxaa badanaa lagu dhaqmaa “Qoyska dhexdiisa halagu xalliyo arrinta.” Laakiin tacaddiga, gaar ahaan midka ku saleysan jinsiga, waa arrin aan lagu xallin karin dabool iyo qarinta—waxa uu u baahan yahay cadeen, taageero iyo sharci.
2. In waalidiintu carruurtooda baraan ixtiraamka iyo xuduudaha: Carruurta waa in la fahamsiiyaa:
a) Sida loo xushmeeyo qofka kale.
b) In jirka qof kasta leeyahay xuquuq aan lagu xadgudbi karin.
c)In qofku xaq u leeyahay inuu “maya” yiraahdo.
d) In gabdhaha loo baro kalsoonida iyo codka ay leeyihiin.
Bulshadeennu mararka qaar waxay ku abtirsataa aamusnaanta gabadha, laakiin ololahan wuxuu ka shaqeeyaa sidii gabadha loogu tababari lahaa in ay sheegato xaqeeda, ayna ogaato in codkeedu uu qiimo leeyahay.
Qodobka 3aad: Doorka Culimada iyo Mas’uuliyiinta Diinta
Diintu waxay ka mid tahay tiirarka bulshada Soomaaliyeed, culimaduna waa kuwa ugu saamaynta badan. Markay culimo si cad oo furfuran uga hadlaan:
1. Sinnaanta xuquuqda ninka iyo naagta
2. Mamnuucnimada dulmiga
3. Qofka oo la garaaco, la khasbo, ama lagu cabburiyo, waxaa abuurmaya isbeddel degdeg ah oo bulshada gaara.
Culimada Soomaaliyeed waxay awood u leeyihiin inay gaarsiiyaan farriin cad oo ah: Tacaddiga ku saleysan jinsiga ma aha dhaqan, ma aha sharci mana aha wax la aqbali karo. Tani waa fariin beddeli karta nolosha haween badan oo sannado badan cabsi ku jiray.
Qodobka 4aad: Dhalinyarada Soomaaliyeed – Jiilka Isbeddelka
Dhalinyaradu waa kuwa ugu firfircoon bulshada, uguna fudud in ay qaataan wacyigelin cusub. Inta badan tacaddiyada GBV waxay ka dhacaan jawi ay dhalinyaradu kaalin ku leeyihiin bulshada
Dhalinyarada waxay door ku leeyihiin:
1. Inay bulshada ku abuuraan hadal ka xor ah ceebta.
2. Inay sameeyaan bandhigyo aqooneed, munaaqashooyin, iyo barnaamijyo ardayda lagu baro ilaalinta xaqqa qofka.
3. Inay ka hor tagaan bullying, aflagaadada iyo ceebeynta haweenka ee baraha bulshada ka jirtay.
Dhalinyarada maanta waxay haystaan awood ay ku beddeli karaan fahamka jihooyin badan oo bulsho, gaar ahaan marka ay isticmaalaan TikTok, Facebook, ama YouTube si xal lagu dhiso ujeeddo.
Qodobka 5aad: Haweenka Bulshada – Codka Ugu Saameynta Badan
Haweenku waxay yihiin kuwa ugu dhibban, isla markaana ugu hal-adayga badan marka ay timaaddo ololahan. Haweenka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya caafimaadka, waxbarashada, warbaahinta, iyo bulshada rayidka:
1. Iyaga ayaa qaada masuuliyadda wacyigelinta.
2. Iyaga ayaa la hadla haweenka kale ee aan helin taageero.
3. Iyaga ayaa u istaaga carruurta nugul ee u baahan ilaalin.
Haweenka Soomaaliyeed waxa ay caddeeyeen marar badan in isbeddel dhabta ahi uu bilowdo marka gabadhu dareento in codkeedu uusan lumin.
Qodobka 6aad: Doorka Odayaasha, Nabadoonnada iyo Dhaqanka
Bulshadeennu waxay aad ugu tiirsan tahay odayaasha dhaqanka. Waxay yihiin:
1. Garsooraha bulshada
2. Dhexdhexaadiyaha khilaafaadka
3. Ilaaliyaha caadooyinka iyo dhaqamada
Haddii odayasha dhaqanku ka hadlaan muhiimadda ka hortagga tacaddiyada, kana shaqeeyaan:
a) In “ceeb” aan loogu celin dhibbanaha
b) In kiiska lagu xalliyo sharci iyo cadaalad
c) In la badbaadiyo nafta dhibbanaha ka horeyso magaca reerka waxaa meesha ka baxaya caqabado badan oo hor istaagayey haweenka in ay ka hadlaan tacaddiga lagu sameeyo.
Qodobka 7aad: Doorka Hay’adaha Samafalka iyo Bulshada Rayidka
Hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxay door weyn ku leeyihiin:
1. Bixinta adeegyada caafimaadka maanka
2. Kalkaalinta dhibbaneyaasha
3. Qareennada sharci-daaweynta
4. Iyo tababarka xirfadlayaasha ka shaqeeya la-tashiga iyo taageerada bulshada
Ololaha 16-ka maalmood waxa uu fursad u yahay in la mideeyo khubaro kala duwan si xal loogu helo sababaha asaasiga ah ee tacaddiyada.
Qodobka 8aad: Saameynta Dhaqaale iyo Mid Bulsho ee GBV
Tacadigu ma aha oo keliya arrin shucuureed ama qoys. Balse waxa uu saameeyaa:
1. Dhaqaalaha qoyska
2. Waxbarashada carruurta
3. Koboca dhaqaalaha dalka
4. Caafimaadka maanedd iyo jireed ee jiilka cusub
Marka haweeney si joogto ah loo cabburiyo ama loogula dhaqmo cadaalad darro, waxbarashadeeda, shaqadeeda, iyo nolosheeda guudba waa la dhaawacaa. Taasina waxay dib u dhigtaa horumarka qaranka oo dhan.
Qodobka 9aad: Sida Bulshada Soomaaliyeed Uga Jawaabi Karto 16-ka Maalmood
a) Wacyigelin toos iyo Mid Online ah sida; Baraha bulshada, Workshops iyo dood furan, Sida joogtada ah loo faafiyo fariimo taageero ah.
b) Tababarida Macalimiinta iyo Culimada: Si ay carruurta iyo bulshada u siiyaan fariin midaysan oo ku saabsan ixtiraamka iyo ilaalinta xuquuqda.
c) Xoojinta Adeegyada Taageerada Dhibbanayaasha
d) La-talinta caafimaadka maanka iyo Adeeg sharci iyo waliba Hoy ku meel gaar ah oo ammaan ah
e) In la jebiyo aamuska: Bulshada oo dhan waa in ay fahantaa in ka hadalka arrintaan uu yahay geesinimo, ee uusan ahayn ceeb.
Qodobka 10aad: Gabagabo – Ololaha 16-ka Maalmood Waa Bilow, Maaha Dhammaad
Ololahan waa 16 maalmood oo iftiin noo noqda, laakiin farriintiisu waa in aysan ku ekaan hal mar sanadkii. Tacaddiga ku saleysan jinsiga ma aha arrin olole keliya ku hagaagta; waa arrin u baahan:
1. Wacyigelin sanadka oo dhan
2. Cadaalad joogto ah
3. Diin iyo dhaqan wanaagsan
4. Taageero bulsho oo aan kala hadhin
Haddii bulshadeennu ka wada qeybqaadato, xitaa tallaabo yar, waxay keeni kartaa nasasho, cadaalad, iyo nolol ka wanaagsan kumannaan haween iyo carruur Soomaaliyeed.
Isbeddelku wuu imaan karaa—waxayna ka bilaabataa adiga, aniga, iyo qof walba oo maanta go'aansada inuu ka hadlo, u istaago, oo u hiiliyo dadka tacaddigu saameeyo.
W/Q:Ismahan Abdinasir

Comments