Posts

Awoodda Qorista Maalinlaha ah ee Xasilinta iyo Bogsiinta maanka.

Image
  Awoodda Qorista Maalinlaha ah ee  Xasilinta  iyo Bogsiinta maanka. Qalinku ma ahan kaliya qalab wax lagu qoro — waa albaabka ugu dhow ee qalbigaaga  furi kara. Qorista maalinlaha ahi waxay leedahay awood aan la qiyaasi karin oo lagula hadli karo naftaada si aadan hadal ugu sheegi karin. Markaad qalinka qaadato oo aad bilowdo inaad qorto waxa gudahaaga ka socda, waxaad si tartiib ah u ogaanaysaa: ●Waxa aad dareemayso ●Waxa kugu farxad geliya ●Waxa aanad wali fahmin ee ku dhibaya ●Waxaad u baahan tahay inaad iska cafiso ama ka tagto Qoristu waa sidii iftiin yar oo aad ku iftiiminayso mugdiga maskaxda. Maalin kasta oo aad naftaada dhageysato adigoo qoraal ku sameynaya, waxaad sare u qaadaysaa xasilloonidaada, kalsoonidaada, iyo is-fahamkaaga. Mararka qaar qoraalkaagu ma noqon doono mid qurux badan ama si fiican loo habeeyay — laakiin taasi waxba ma aha. Waxa muhiimka ah waa in qalbigaaga la siiyo meel uu isku deyo inu ooyo, inu duceysto ama u mahadceliyo naftiisa. Tal...

Isku Dheelitirka iyo Xakamaynta Dareemaha

Image
 Isku Dheelitirka iyo Xakamaynta Dareemaha Dareemuhu waa sida hirarka badda—mar sare u kaca, marna hoos  u dhaco. Inaad dareento murugo, xanaaq, ama farxad degdeg ah waa wax dabiici ah. Laakiin xasiloonida nafta waxay timaadaa marka aan baranno sida loo xakameeyo dareenkeena, loogana dhigo mid deggan, xitaa marka ay xaaladdu kacsan tahay. Isku dheelitirku wuxuu u baahan yahay tababar maalinle ah: neefsasho qoto dheer , maskax dejin, iyo inaa aqoonsano waxyaabaha na kicinaya. Waxaa kaloo muhiim ah in la sameeyo meelo ammaan ah—meelo aan dareenkeena ku muujin karno si aan eedayn lahayn. Marka dareemaha la xakameeyo, ma aha in la caburinayo, balse waa in la oggolaado, lana hago. Tani waxay horseed u noqotaa maskax deggan, naf caafimaad qabta, iyo xiriir wanaagsan oo dadka kale lala yeesho. W/Q: KAABA MENTAL THERAPY

Naf Ogaalka iyo Hubinta Dareemaha

Image
  Naf Ogaalka iyo Hubinta Dareemaha Noloshu waxay mararka qaar ina gelisaa xaalado kala duwan—farxad, murugo, cabsida mustaqbalka, iyo walbahaar aan la garanayn sababtiisa.  Naf ogaal waa awoodda aan u leenahay inaan dareenkaas la kulano si aan u fahanno, halkii aan iska indha tiri lahayn. Waa sida nal yar oo la shido marka mugdi kaa horreeyo. Naf ogaalnimadu ma aha kaliya inaad ogaato inaad murugsan tahay,ee  waa inaad fahanto sababta ay murugadu u timid, meesha ay kasoo jeedo, iyo waxa aad kala kulantay. Qalbigu wuxuu leeyahay cod, laakiin inta badan wuu aamusan yahay, maxaa yeelay wuu ogyahay inaadan u diyaarsaneyn inaad maqasho.  Marka aad nafta siiso fursad ay dareemadaheeda ku muujiso, waxaad bilowdaa inaad dib isugu laabato— inaad naf ogaal yeelato. Hubinta dareenka ma aha in la cabbiro keliya farxadda iyo murugada, waa inaad fahanto sababta ay jirkaaga ugu jiraan xaalado joogto ah, sababta aad uga fogaato dadka qaar, ama sababta ay u adag tahay inaad aaminto ...

Naf- Milicsiga iyo Safarka Bogsashada

Image
Naf- Milicsiga iyo Safarka Bogsashada Bogsashadu ma aha meel la tago—waa safar.  Safar uu qofku naftiisa dib ugu laabto, u fiirsado dhaawacyadii hore, una oggolaado inuu nafis iyo daweyn helo. Is milicsigu waa muraayadda aynu isku eegno, ee aynu ka fahanno waxa dhacay, sababta uu u dhacay, iyo sida uu ino saameeyey. Is milicsigu wuxuu furayaa albaabo cusub: wacyi cusub, naxariis nafeed, iyo go’aan qaadasho. Mararka qaar, dib ugu noqoshada xasuuso hore waxay noqon kartaa mid xanuun badan, laakiin waa muhiim si loo daweeyo meelaha aan wali bogsan. Qof walba wuu leeyahay hab bogsiin u gaar ah. Waxaa muhiim ah in la tixgeliyo waqtiga, dulqaadka, iyo  qalbiga oo aan lagu khasbin wax uusan diyaar u ahayn. Safarka bogsashada wuxuu noqon karaa mid kalinimo leh, laakiin had iyo jeer waa mid qiimo badan. W/Q:Kaaba Mental Therapy