Naf Ogaalka iyo Hubinta Dareemaha

 

Naf Ogaalka iyo Hubinta Dareemaha

Noloshu waxay mararka qaar ina gelisaa xaalado kala duwan—farxad, murugo, cabsida mustaqbalka, iyo walbahaar aan la garanayn sababtiisa. 

Naf ogaal waa awoodda aan u leenahay inaan dareenkaas la kulano si aan u fahanno, halkii aan iska indha tiri lahayn. Waa sida nal yar oo la shido marka mugdi kaa horreeyo.

Naf ogaalnimadu ma aha kaliya inaad ogaato inaad murugsan tahay,ee  waa inaad fahanto sababta ay murugadu u timid, meesha ay kasoo jeedo, iyo waxa aad kala kulantay.

Qalbigu wuxuu leeyahay cod, laakiin inta badan wuu aamusan yahay, maxaa yeelay wuu ogyahay inaadan u diyaarsaneyn inaad maqasho. 

Marka aad nafta siiso fursad ay dareemadaheeda ku muujiso, waxaad bilowdaa inaad dib isugu laabato— inaad naf ogaal yeelato.

Hubinta dareenka ma aha in la cabbiro keliya farxadda iyo murugada, waa inaad fahanto sababta ay jirkaaga ugu jiraan xaalado joogto ah, sababta aad uga fogaato dadka qaar, ama sababta ay u adag tahay inaad aaminto dadka qaar.

Naf ogaalnimadu waa furaha xorriyadda nafeed. Marka aad nafta maqasho, waxaad baranaysaa inaad ilaaliso—sida hooyo  barbaarinaysa  ilmaheedii oo  la dhaawacay.

W/Q:Kaaba Mental Therapy

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?