Naf- Milicsiga iyo Safarka Bogsashada
Naf- Milicsiga iyo Safarka Bogsashada
Bogsashadu ma aha meel la tago—waa safar.
Safar uu qofku naftiisa dib ugu laabto, u fiirsado dhaawacyadii hore, una oggolaado inuu nafis iyo daweyn helo. Is milicsigu waa muraayadda aynu isku eegno, ee aynu ka fahanno waxa dhacay, sababta uu u dhacay, iyo sida uu ino saameeyey.
Is milicsigu wuxuu furayaa albaabo cusub: wacyi cusub, naxariis nafeed, iyo go’aan qaadasho. Mararka qaar, dib ugu noqoshada xasuuso hore waxay noqon kartaa mid xanuun badan, laakiin waa muhiim si loo daweeyo meelaha aan wali bogsan.
Qof walba wuu leeyahay hab bogsiin u gaar ah. Waxaa muhiim ah in la tixgeliyo waqtiga, dulqaadka, iyo qalbiga oo aan lagu khasbin wax uusan diyaar u ahayn. Safarka bogsashada wuxuu noqon karaa mid kalinimo leh, laakiin had iyo jeer waa mid qiimo badan.
W/Q:Kaaba Mental Therapy
Comments