Sida Loo Taageero Qof Aad Jeceshahay oo la Tacaalaya Xanuunada Maanka.
Sida Loo Taageero Qof Aad Jeceshahay oo la Tacaalaya Xanuunada Maanka.
In qof aad jeceshahay uu la tacaalayo xanuun maanka ah — ha noqoto niyad-jab, walbahaar, PTSD, ama xanuunno kale oo dhimir — waa dareen culus oo mararka qaar qofka ehelka ah laga yaabo inuusan garan dariiq uu wax ku caawiyo. Laakiin marka qalbi daacad ah iyo garasho leh la isku daro, taageeradaadu waxay noqon kartaa badbaado uu qofkaasi u baahan yahay si uu u helo nafis iyo bogsasho.
Maanta waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa sida qofku u noqon karo garab waxtar leh marka uu la tacaalayo qof uu jecel yahay oo xanuunka maanka la dhibban.
1. Marka Hore Faham Xanuunka Laftiisa
Xanuunada maanka waa kuwo muuqaal ahaan aan si sahlan loo arki karin. Maaha sidii dhaawac jidheed oo lagu arki karo raajada ama dhiigga. Qofka qaba xanuun maaneed wuxuu la kulmaa dareenno gudaha ah sida:
●Dareen hoos u dhaca kalsoonida
●Culeys joogto ah oo maskaxda ah
●Kalsooni darro, cabsi, ama welwel
●Xusuuso dhaawac leh oo soo noqnoqda
●Rajo la’aan ama niyad jab
Markaad rabto inaad caawiso qof, waa muhiim inaad marka hore adigu faham buuxa ka haysid waxa uu la tacaalayo. Waxaad akhrin kartaa buugaag, daawan kartaa muuqaalada wacyigelinta, ama la tashan kartaa xirfadle caafimaad si aad u barato qaababka ay u shaqeeyaan xanuunada maanka.
2. Dhagayso Inaad Xallinayso mooyee
Qofka qaba xanuun maaneed badanaa uma baahna qof xal u raadinaya, balse wuxuu u baahan yahay qof dhagaysta — qof aan xukun ku degdegin, qof hadalkiisa uusan noqon "waa wax iska caadi ah" ama "isku day inaad iska ilowdo".
■Dhageysiga micnaheedu waa:
•Inaad indhaha si daacad ah ugu eegto marka uu hadlaayo
•Inaadan hadalkiisa dhex gelin
•Inaad si dagan uga jawaabto sida: “Waa wax culus, laakiin waan fahmayaa inaad si daran u dareemayso.”
•Mararka qaar, dhagayntu waa daawada ugu horeysa ee bogsiinta ka bilaabata.
3. U Ogolow Inuu Dareemayo Siduu Isku Arkayo
Ha ku khasbin farxad. Ha oran “ farax!” ama “isku day inaad dhoola cadeyso.” Xanuunka maanka ma yaraado iyadoo la riixayo qofka inuu u ekaado sida dadka kale. U ogolow inuu noqdo siduu yahay. La joog qof kuu sheegayo in uu qalbigiisu yahay mid dareemaya xaalad culus waa geesinimo uu ku tusayo kalsoonida uu kugu qabo. Ha dhaawicin!.
4. Noqo Garab Joogto ah, Laakiin Ha Iska Dhigin Dhaqtarka Caafimaadka maanka.
Waa muhiim inaad u muujiso kalgacayl joogto ah, si deggan, iyo inaad la joogi karto marka uu kuu baahdo. Laakiin muhiimad gaar ah sii inaad is xasuusiso inaadan adigu ahayn dhakhtar maaneedd. Marka aad dareento in xaaladdiisu halis tahay ama ay sii xumaanayso, ku dhiiri geli inuu helo caawimaad xirfadeed.
Waxaad odhan kartaa:
“Waxaan dareemayaa in dad xirfad leh ay ku caawin karaan si aad u fiicnaato. Ma doonaysaa inaan ku raadiyo qof aad la hadli karto?”
5. U Noqo Mid Uu Kalsooni Ku Qabo
Kalsoonida waa tiirka ugu muhiimsan ee uu ku tiirsan karo qofku marka uu qalbigiisu daciifo. Ha faafin waxa uu kuu sheegay, ha ku xamanin, hana ku canaanan hadalo uu hore kuu yiri xilli uu xanuun dareemayay. Marka aad ku ilaaliso sirtiisa, waxaad dhisaysaa buundo kalgacal iyo nabad ah.
6. Isku Day Inaad Wada Samaysaan Ficillo Fudud oo Dhisaya
- Ku martiqaad socod yar subaxdii hore
- U samee koob shaah ah oo dejiya
- Daawada filim yar oo qosol leh
- La akhri buug uu xiiseyn karo
Ma aha inaad xaliso dhibka uu hayo, balse ficillada yaryar ee rajo gelinaya waxay noqon karaan dhimbil yar oo nolol cusub ku abuurta.
7. Naftaada Ha Hilmaamin
Taageerida qof xanuunsan waa mas’uuliyad xasaasi ah. Si kastaba, ha iloobin inaad adigana hesho caawimaad, nasasho iyo daryeel nafeed. Marka aad adigu caafimaad qabto, waad sii fiicnaan doontaa taageeradaada.
Gabagabo: Jacaylku Waa Daawo, Wanaaggu Waa Bogsiin
Ugu dambeyn, qofka aad jeceshahay kama sugo inaad xal u keento xanuunkiisa, balse waxa uu u baahan yahay in aad noqoto iftiin u muujinaya inuu kaligiis ahayn. Qalbi samir leh, dhegaysi jaceyl buuxa leh, iyo hadal deggan waxay noqon karaan daawo ka xoog badan kaniini kasta. Haddii aad dhab ahaantii jeceshahay qof qaba xanuun maanka, jacaylkaagu ha noqdo mid uusan ka baqan, hana noqdo mid uusan ka xishoon.
W/Q:Kaaba Mental Therapy
Comments