Nidaamka Taageerida Ivo Garab Istaaga
Nidaamka taageerida iyo garab istaaga
Nidaamka taageeridda ama garabistaagu waa hab isku xiran oo ay ka wada shaqeenayaan dad kala duwan oo ay ka mid yihiin Asxaab, ehel, la taliyayaasha caafimaadka maanka iyo cid walba oo uu la leeyahay xidhiidh qofka la nool ama la daalaadhacayo xanuunada maanka, taageeridan iyo garab istaagan oo isugu jirta taageero Dareemo ahaan, mid ficil ahaan ba.
Qaybaha kala duwan ee taageeridda.
1.Taagerida iyo garab istaaga ehelka: Ehelka iyo qaraabada qofka la dhibaatoonaya xanuunada maanka waxay tahay inay siiyaan jacayl aan xuduud lahayn, tusiyaan inay fahmayaan xaalka qofkaasi sidoo kale u muujiyaan naxariis iyo inay la dareen noqdaan, sidoo kale ka caawiyaan xogaha uu doonayo (la la sheekaysto), waqti ku filanna ay siiyan, si ay meesha oga baxdo in qofkaasi dareemo kalinimo, caawin la'aan iyo garab istaag la'aan, taasina oga dhalan in uu qarsado xanuunkii isaga oo qofki ka baqanayo in lagu ceebeeyo.
2.Taageerida Asxaabta: Asxaabtu guud ahaan waxay tahay inay isa siiyaan saaxiibtinimo, taageero dareemo ahaan, is garab istaag iyo in ay dhagaystaan midba kan kale dhibkiisa iyaga oo aan isku ceebeenayn.
Taageerada saaxiibadu waxay noqon kartaa mid aad u fiican maadaama ay badankooda isku khibrad yeelan karaan, ama isku caqabado noqon karaan, iyaga oo iska caawin kara in ay hal mar kawada gudbaan.
3.Taageerida dadka aad isku xanuunka ama isku dhibka tihiin: Dadka aad isku dhibka tihiin waxay kaa saacidi karaan inaad isla wadaagtaan khibradihiina hababka aad xalka u gaarteen, sidoo kale waxaad oga hadli kartaa dareemahaaga hab furan oo ay wada fahmi karaan iyaga oo aan kugu ceebeeynaynin kuna caawinaya.
4.La taliyayaasha caafimaadka maanka: La taliyayaasha caafimaadka maanka waxay siiyan garab istaag buuxa inta lagu gudo jiro la talinta caafimaadka maanka iyaga oo bara qofka habab caafimaad qaba oo uu ku maarayn lahaa dareemahooda.
Muhiimada ay leedahay inaad haysato dad ku garab taagan:
1.Ogaanshiyaha inaad haysato dad ku garab taagan, ku dhagaysanaya sidoo kale xal wanaagsan kula goobaya; waxay yarayn kartaa inaad qarsato ama caburiso ama kalinimo ku dareentid dareemahaaga.
2.Haysashada dad ku garab taagan waxay kaa caawin kartaa inaad hesho habab aad u fiican oo aad ku xaliso dhibaatooyinka ku haysta.
3.Sidoo kale waxay kaa caawinayaan inaad dhaqso soo kabato iyaga oo kaa fududaynaya shaqo maalmeedkaaga waxay awoodan, dhiirigalina kusiinaya.
Comments