HABKA UGU WANAAGSAN OO AAD OGA GUDBI KARTO DIB-U DHIGASHADA
DIB-U DHIGASHO
Dib-u dhigashadu waa ficilka dib-u dhaca ama hakinta hawlaha badanaa kuu muhiimka ah taas oo kugu keenta walaac, walwal iyo inaa isku aragtid qof aan meel dheer gaari karin iyo cawaaqibyo kale oo xun.
Maxaa keena dib-u dhigashada?
Waa muhiim inaad fahamtaa waxa kugu keenaya si aad xal waara u heshid, waxyaabaha ugu waawayn ee keena waxaa ka mid ah;
1. Ka baqashada Guul darrada: Qofka oo ka baqda inuu shaqadan feejignaantisa wada siin karin hadder taas oo ku keenaysa inuu ku guuldaraysto, isagoo ka fogaanaya guuldaradaas ayaa ku keeni karta dib-u dhigasho, si uu ugu helo waqtigii saxda ahaa ee ku filnaa.
2. Raadinta isku-dheellitirnaanta: qofka oo doonaya shaqada inuu u qabto hab dhamaystiran isagoona waxba ka khaldamin, kana halaabin intuu ku guda jiro, doonayana maalin walba inay 100% ugu socoto, haddu ku kufana dib-udhigasho samaynaya si uu dheelitirkeedii usoo celiyo.
3. Xiiso iyo rabitaan yari: qofka oo shaqada rabitaankeeda ku yaryahay ama ku raaxaysanayn qabashadeeda ama ay tahay shaqo aan isaga naasibayn/ku haboonayn.
4. Waqti maarayn la’aan: qofka oo aan waqtigiisa u maarayn habka ugu fiican, sidoo kalena aanan qaadan bareeg ama fasax shaqooyinka oo ku keenaysa inuu daalo, kadibna dib-dhigo qabashadeeda.
5. Ka baqashada shaqada u baahan Tamarta iyo Feejignaanta ama "Focus": dareemida walwal iyo walaac maadama shaqadu tahay mid culus una baahan tamar iyo feejignaan, si qofku ugu helo xilli uu labadaas hayo ayuu u dib-dhigayaa waqti kale.
Saameynta ka dhalata Dib-u-dhigashada
1. Walwal & Stress: Inaad shaygii aad intaa dib-dhiganaysay hal mar ku qabo dhahdid waxay kuu horseedi kartaa walwal iyo walaac faro badan.
2. Waxqabadka qofka oo yaraada: Dib- u dhigistu waxay kaa dhigaysaa qof aan wax qabad lahayn maadama wax walba aad bari u dib dhigtay, maantana waxqabad la’aan kugu dhamaatay.
3. Tayada shaqada oo yaraata: sidoo kalena xadi yeelata maadama waxwalba 100% ka rabo qofka oo ay ka dhalanayso inaadan waxbaba qaban.
4. Saamayn taban oo gaarta caafimadkaaga maanka: qofka dib-u dhigashada badan waxaa uu marar badan dareema walwal iyo walac joogto ah, qof aan waxqabad lahayn inuu yahay, dambi iyo qoomamo sidoo kale inuu jiritaankiisa ama naftiisa uu ceeb u arko.
Habab fudud oo aad ku xallin karto Dib-u-dhigashada
1. Dejiso yoolal cad: Adigoo u kala qaybinaya Yoolashaada sanadle,bille iyo maalinle, sidoo kale; isku day inaad subixii qorta waxa aad doonayso inaad qabato, ha isku dayin waxwalba inaad hal mar qabato balse u qorshee nusa saac ama saacad maalinti howsha aad doonayso inaad miraha ka keento.
2. Isticmaal “Timer” ama xisaabiye saacad: Haddi aad feejignaantaada siiso howl 30 daqiiqo qaado bareeg 5 daqiiqo ah, adigoona galaynin baraha bulshada. Haddi aad howl u qorshaysay inaad 45daqiiqo ku qabato markad dhamayso qaado bareeg 10 daqiiqo, marwalba oo saacada waxqabadku bato sidoo kale bareega siyaadi, tani waxay kaa caawinaysaa inaadan caajisin, dib-udhigashana kuugu iman.
3. Ka fogoow yareena waxyaabaha ku mashquulinaya: sida Telephoneka, sheekada dadka iyo waxyaabo kaleba, samayso meel gaar ah una eg shaqada aad qabanayso, tusaale hadda wax akhrinayso Tag miiska iyo kursiga, abuuro jawi u eg howsha aad markaa qabanayso.
4. Naftaada abaal mari: Marwalba oo aad howlaha si joogto ah u qabato, adigoo waqtiga ilaalinaya, bareeg qaadanaya naftaada abaal mari, waxa aad jeceshahy soo iibso, hadal wanaagsan ku dheh!
5. Waxba haka sugin 100%: Aduunka majiro qof dhamaystiran iyo wax dhamaystiranba, shay walba waxbaa ka dhiman, mana ogaankartid halka ay wax ka dhimanyihiin ilaa aad wax qabato, sidoo kale waxna haka sugin natiijada u danbaysa 100%, waxa u muhiimsan waawadada aad martay inaa wax ka barataa, u qabo howlaha si aad wax oga barato khaladkaaga halka aad u dedaali lahayd inaadan wax khaldin “Khaladka waa meesha lagu ogaado waxa saxan”
6. Naf la hadalkaaga hagaaji: Naftaada u naxariiso, ogoow in wax khaldid inay ka dhalato inaad wax saxdid, caadada dib-udhigashadana la jari karo, aqbalna in qof walba uu mararka qaarkood dib-udhigasho ku dhacdo. Sidoo kale inta aad oran lahayd “waxan ma qaban karo ku dheh naftaada si yar-yar ayaan u qabanayaa howshan maalin walba”.
W/Q: Kaaba Mental Therapy

Comments