Sidee loo dhistaa Naf arag wanaagsan?

 

Naf Araggaa ama ka haysashada Naftaada sawir wanaagsan!

Sidee isu aragtaa?

Ka Qaadashada naftaada sawir wanaagsan waa qayb muhiim u ah caafimaadka maskaxda iyo hormarka shakhsiyeed ee qofka.Naf aragaagu wuxuu ku saleysan yahay fikradaha iyo dareenka aad naftaada ka qabto iyo sida aad u aragto. 

Waxaana saameyn ku yeelan kara naf-aragaaga khibradaha nolosha kusoo maraya, xidhiidhada, iyo bulshada aad ku dhex nooshahay. 


Saamaynta ka dhalata naf araga wanaagsan 


1. Caafimaadka Maskaxda: naf araga wanaagsani wuxuu yareeyaa niyadjabka iyo welwelka iyo dhamaan xanuunada maanka.

2. Xidhiidhada Bulshada: mar walba oo sawirka naftaada aad ka haysataa wanaagsanyahay waxay ka caawinaysaa in aad bulshada la dhisato xidhiidho caafimaad qaba. 

3. Guulahaaga: naf araga wanaagsan waxay qofka ka caawisaa ku dhiirashada in uu degsado yoolal cad cad iyo in uu gaaro hammiyo shakhsiyeed.

Sidee u dhisan kartaa naf arag Wanaagsan (ama u hagaajin kartaa sawirka aad ka haysato naftaada) 

1. Naf Dhimrin/ u damqasho/ u naxariiso naftaada: naftaada u la dhaqan si naxariis leh, gaar ahaan xilliyada guuldarada ama niyadjabka, isku dheh hadallo wanaagsan, xasuusnow cid dhamaystirani inaanay jirin, guul darraduna ay tahay furaha Guusha. 

2. Naf la hadalka wanaagsan: Tani waxay ka caawinaysaa in la beddelo fikradaha xun-xun iyo sawirka khaldan ee aad naftaada ka haysato. Marwalba u isticmaal naf la hadalkaaga meesha aad ka dareemaysid daciifka, adiga oo afka ka dhahaya, si qalbigaaga iyo maskaxdaada ay u gaaraan fariintaada. 

3. Ka warqabka fikradaha Maskaxda oo ku aadan naf aragaaga: Fikradaha maskaxda waxay kaa caawinaysaa  inaad ka warqabtid hadalka xun ee naftaada ay iskula hadlayso iyo inay dhiirrigeliso naf arag isu-dheellitiran. 

4. Dejinta Yoolal Macquulgal ah: Mar walba dejiso yoolal la gaari karo kuwaas oo kuu horseedayya dareenka guusha iyo qiimaha naftaada. 

5. Iska ilaali inaad naftaada ku eegtid aragtida dadka kale kaa haystaan: iyo sida ay ku arkaan waa muhiim inaad naftaada aamintid. 

6. Aqoonso waxyaabaha naftaadu gaarka la tahay: hibooyinka gaarka ah ee Allah ku siiyay waa kuwo ku qurxinaya, wanaajinayana naf aragaaga isku day inaad heshid. 

7. Mar walba ku baraarugsanoow halka ay marayso naf-aragaagu: haddi aad adigu isu aragto qof aanan waxba qaban karin naftaaduna way aaminaysaa, isku day wixii wanaagsan inaad naftaada ku booriso inay yeelato, kana caawisid. 

8. Aqbal oo ixtiraam kala duwanaanshiyaha: Aqbal in naftaada in waxyaabaha qaar lagaga fiicanyahay, sidoo kalena waxyaabaha qaar ku fiicantahay. 

9. Cidna ha isla barbardhigin: cidna naftaada hala barbardhigin, waayo cidna adoo kale noqon mayso! 

10. Ka hortag naf la hadalka aan fiicnayn: marwalba oo maskaxdaada fikiraad khaldan ku siiso kor u dheh adoo is maqashiinaya mid fiican oo ka soo horjeeda; tusaale “Guul ma gaari karo” kor u dheh “waxa aan gacanta ku hayo miro fiican ayaa aan ka keenayaa” 

11. Qor waxyaabaha aad ku faraxsantahay inay noloshaada ku jiraan: kadibna Allah oga mahadceli. 

12. Caawin dalbo marka aad dareento in aad u baahantahay: la xidhiidh la taliyayaal caafimaadka maanka si ay kaaga caawiyaan arrintan.


W/Q: Kaaba Mental Therapy

Comments

Anonymous said…
Thank you dhamantiin

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?