Sidee loo samaystaa xuduudo caafimaad qaba?
Xuduudo caafimaad qaba waa xadka uu qofku u dajiyo si uu ugu ilaaliyo dareemihiisa, jirkiisa iyo badqabka maankiisa.
Inaad samaysato xuduudo caafimaad qaba waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga waxay kaloo kaa caawinaysaa inaad yeelato xiriiro badqaba.
Tallaabooyin fudud oo aad ku samaysan karto xuduudo caafimaad qaba:
1. Garo baahiyahaaga: ka fakar oo dib ubaar baahidaada dareen, jir iyo maskax ahaaneedba fahan waxaa xasilooni ku dareemaysid iyo waxa ku dhibaya.
2. Si cad uga hadal: Uga sheekee xuduudahaaga si furan oo go,aan leh.
3. Isticmaal weedha “Aniga”: si aad ugu muujiso dareenkaaga ( tusaale: “ waxaan dareemayaa cadaadis marka….”)
4. Joogtee: Ku adkayso xuduudahaaga marka aad dejiso. Joogtayntu waxay kaa caawinaysaa dadka kale inay fahmaan oo ixtiraamaan xuduudahaaga.
5. Daryeel Naftaada : Mudnaanta sii caafimaadkaaga isku day inaad samayso howlo ku farxad galinaya, sidoo kalena adkaynaya xuduudaha aad samaysatay.
6. Baro kalmadda "Mayya" : Waa caadi inaad diido codsiyo ama talooyin lagu soo jeediyo, kuwaas oo ka hor imaanaya xuduudahaaga ku dadaal inaad dhahdid "Maya" adoon gudaha ka dareemayn wax danbi ah.
7. Garo markii laguu soo dhaafo xuduudahaaga: Ahoow qof ku baraarugsan oo garanaya marka xuduudkiisa loosoo dhaafo sidoo kale tallaabo qaad hadii loo baahdo.
8. Caawin raadso: ku xidhnoow oo la saaxiib dad ixtiraamaya xuduudahaaga, sidoo kale caawin ka raadso la taliyeyaal caafimaadka maanka ah hadii aad ubaahato sida @Kaaba Mental Therapy oo kale.
9. Marar badan dib u eeg xuduudahaaga: Si joogto ah u qiimee xuduudahaaga markay xaaladuhu is baddelaan, waxaa dhici karta inaad wax ka badashid xuduudahaagii, ama kuwo cusub ku soo kordhisid.
10. Ku dabaq xuduudahaa dajisato dhinac kastoo noloshaada kamida: Shaqada,qoyska asxaabta iyo Baraha bulshadu dhamaan si iskumida uga dhaqan geli xuduudahaaga.
Tallaabooyinkaan aan kor ku xusnay hadii aad dhaqan geliso waxaad samaysan kartaa xuduudo caafimaad qaba kuwaas oo aad hadhow ka dhaxleysid in lagu tixgeliyo sidoo kalena dhinacyada kale ee aad xiriirka la samaynaysid aad kula naalootid farxad iyo is-fahan.

Comments