DARYEELKA NAFTA

Daryeelka naftu waa habka aad naftaada u daryeesho si aad u ilaaliso caafimaadkaaga maskaxeed, dareemo ahaaneed iyo mid jireedba. Meelaha ay Muhiimka tahay in la daryeelo:

1. Daryeelka Jirka

Jimicsiga: Jimicsiga joogtada ah wuxuu ka caawiyaa kor u qaadista tamarta iyo yareynta xanuunada nafsiga ah.
Nafaqada: Cunista cuntooyinka caafimaadka leh oo ay ka mid yihiin khudradda, miraha, iyo borotiinka waxay kaa caawinaysaa in tamartaadu fiicanaato.
Hurdada: Ku dadaal inaad hesho hurdo kugu filan si maskaxdaada iyo jirkaaga ay si fiican ugu shaqeeyaan.

2. Daryeelka Dareenka

Aqoonsiga Dareemahaaga gudeed: Inaad leedahay Ogaal dareeneed sidoo kalena aad naftaada u ogolaatid inaad muujiso, waxay kamidtahay daryeelka nafta kuwooda ugu waawayn. Isku day inaad qorto dareenkaaga si aad u fahanto una hagaajiso.
Raadsashada caawin: La hadalka qof aad kalsooni ku qabto ama qorista maalinlaha eed dareemahaaga qorto waxay kaa caawinaysaa inaad ka bogsato dareemaha xanuunka badan iyo dhaawacyada gudeed.

3. Daryeelka Bulshada

Xidhiidhada Bulshada: waxay ka caawiyaan in hesho taageero iyo xiriir wadajir ah.
Talooyin: Iskuday inaad la xiriirto asxaabtaada ama ku biir kooxo leh hal ujeedo si aad u hesho taageero bulsho oo dhamaystiran.

4. Daryeelka Maskaxda

Kor uqaadista ogaalkaaga Maskaxeed: Ka qaybqaado akhriska, xallinta xisaabta, ama ciyaaraha maskaxda si aad uga dhigto maskaxdaada mid firfircoon.
Salaadda, Dikriga iyo Ducada: Mar walba ku xirnoow Allah ku dedaal salaadda, Dikriga iyo Ducadaba si aad u hesho xasillooni maskaxeed, Allahna ugu dhawaato.

Talooyin Daryeel Nafta:

1. Qorshe Daryeelka Naftaada: Abuur qorshe maalinle ah oo daryeelka naftaada.
2. Xuduudo samaysasho: U Samee xuduud naftaada iyo dadkaba si aad u ilaaliso waqtigaaga iyo tamartaada.
3. Qaado Waqti Adiga kuu Gaar ah: Jadwal u samee waqti aad si gaar ah ugu raaxaysan karto hawlaha aad jeceshahay.
4. Dhiirrigelin: Ku dhiirrigeli naftaada inay mudnaanta koowaad ay siiso daryeelkeeda. Xasuusi inaysan ahayn naxariis la’aan, iyo qof xaasid ah  laakiin ay lagama maarmaan u tahay caafimaadkaaga maskaxda.

 

W/Q KAABA MENTAL THERAPY
 

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?