Kalsooni dhisidda
Kalsooni dhisidda
Isku kalsoonaantu waa shay muhiim ah oo saameyn ku leh nolosha qofka iyo horay u socodkiisa. Waa sida qofku u aqbalo naftiisa, awooddiisa, iyo qiimaha uu leeyahay. Isku kalsoonaanta sare waxay ka caawisaa dadka inay ka adkaadaan caqabadaha nolosha iyo guuldarrada, taasoo ka dhigan inay si fudud u wajahaan dhibaatooyinka iyo fursadahaba.
Marka qofku ku kalsoonyahay naftiisa, wuxuu u badan yahay inuu qaato go'aanno wanaagsan oo nolosha ah, wuxuuna si sahlan ula dhisan karaa dadka ku xeeran xiriirro caafimaad qaba. Dhinaca kale, kalsooni darradu, waxay keeni kartaa dareen ah naf aqbalid la'aan, niyadjab, walwal iyo walbahaar.
Si kor loogu qaado kalsoonida nafta, waxaa muhiim ah in qofku joojiyo is barbardhigga, ku farxo uuna xisaabsado guulaha yaryar, iyo in la samaysto saaxiibo wanaagsan. Waxyaabahani waxay gacan ka geysan karaan dhisidda kalsoonidaada, taasoo horseedi karta nolol wanaagsan iyo farxad.
Hab aad u fudud oo aad ku dhisi karto kalsoonida naftaada
1. Naf la hadalkaaga hagaaji
2. Fikirka xun ka takhalus ama iska dhamee
3. Cidna ha isla barbardhigin
4. Hadafyadaada kuwa dhow oo fudud ha noqdaan aadna rumayn kartid, sidoo kake u jajabi in yar
5. Labiska iska hagaaji oo dhar wanaagsan xidho
6. Daryeelka naftaada ku dedaal
7. Naftaada ku xeer dad wanaagsan
W/Q Kaaba Mental Therapy

Comments