Sidee buu walaacu usaameeyaa nolol maalmeedkeena?

Sidee buu walaacu usaameeyaa nolol maalmeedkeena?


Walaacu waa jawaab dabiici ah oo uu jirkeena kaga jawaabo stresska calaamadaha lagu garto waxaa kamida inuu qofku dareemo walaac, cabsi ama inuu qofku ka walwalo waxa mustaqbalka ku dhici doona.

Haddaba sidee walwalku usaameeyaa nolosheena maalinlaha ah?


Wuxuu usaamayn karaa nolosheena maalinlaha ah siyaabo kala duwan

1: calaamadaha lagu arkayo jir ahaan: madax xanuun joogto ah, daal, murqo xanuun taasoo ku keenaysa wax soo saarkiisa maalinlaha ah inuu yaraado.
2: dhexgalkiisa bulshada oo yaraata: walaacu wuxuu qofka u diidi karaa inuu dhex galo bulshadiisa taasoo keenaysa inuu qofku ka dheeraado kulamada ama dhacdooyinka ka dhex dhacaya bulshada dhexdeeda hadhowna waxay keenaysaa inuu dareemo kalinimo.
3: waxaa ku adkaanaysa inuu wax diirada saaro: taasoo hadhow ku keenaysa inay ku adkaato inuu dhamaystiro shaqooyinkii uyaalay.
4: hurdada oo ka qasanta: dadka inta badan xanuunka walaaca la nool waxay la kulmaan hurdo yari taasoo ku keenaysa daal farabadan sidoo kalena inuu hoos u dhac ku yimaado wax soo saarkoodii maalinlaha ahaa
5: go,aan qaadashada oo ku adkaata:  walaacu wuxuu ku keenaa qofka inuu ka shakiyo go,aamadiisa ama go,aamo khaldan inuu qaato uu ka baqo taasoo saamayn ku yeelanaysa go,aamada shakhsiyeed iyo kuwa xirfadeed uu qaadanayo.
6: isbaddal ku yimaada dareemadiisa: walaacu wuxuu ka qayb qaata qofka inuu xanaaq siyaado ah yeesho niyad jab uu dareemo ama inuu dareemo dareen ah inuu wax caawinaad ah uusan haysan taasoo dhaawici karta xiriiradiisa 
7: dabeecad ka fogaansho: qofka xaaladaan la nool wuxuu bilaabayaa inuu ka fogaado xaaladiha ama meelaha kicinaya oo dib uxasuusinaya walwalkooda.

Haddaba inaad fahantid xaaladahaan waxay kaa caawinaysaa inaad samaysatid hab wax ku ool ah ood uga gudubtid


 

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?