Sidee loo samaystaa caadooyin caafimaad qaba?

 



1. Hadaf cad samayso: Hadafkaaga hakuu cadaado mid  suurtagal ahna ha noqdo tusaale ( waxaan doonayaa inaan bishaan iska rido 5kg), kuna haboon mudada waqtiga aad uqabatay

2. Hadafkaaga ha noqdo mid aad u jajabisay qaybo yar yar ood maarayn karaysid: tusaale ( asbuucii waxaan doonayaa inaa 1kg iska rido hadafkayga guudna wuxuu ahaa inaan bishii 5kg iska rido.)

3. Inyar ku biloow: wax yar ka biloow tusaale hadaad jimicsnaysid ku biloow maalinkii inaad 5 daqiiqo samaysid kadibna si tartiib tartiib u kordhi ilaa aad ka gaaraysid hadafkaad lahayd.

4. Caado maalinle ah kadhigo: ku darso jadwalkaaga maalinlaha ah caadada wanaagsan aad samaysanaysid, caadadaas ha noqoto mid aad caafimaadka maankaaga aad ku hormarinaysid ama midka jirkaaga amaba dhaqan wanaagsan aad ku samaysanayside. Joogtaynta waa waxa magaca caado siinaya marka isku day inaad qabato waqti isku mid ah maalin kasta si ay kuugu fududaato inaad joogtayso.

5. Isku xeer dad aad isku hadaf tihiin: ku biir asxaab aad isku hadaf tihiin si aad isku dhiiri galisaan. Sidoo kale la wadaag qof aad kuugu dhow isbadalka aad go,aansatay si aad dhiirigalin uga heshid.

6. Qor isbadalada aad samaysid: si aad uga warqabtid hormarka aad samaysid iyo waxa kaa dhiman khaladaadka kaa dhacayna aad cashir uga qaadatid, sidoo kale udabaal deg guulaha yar yarkaa eed gaadhid si aad isku dhiirigalisid.

7. Ku xeer wax ku xiiso galinaya:  kaba soo qaad waxaad doonaysaa inaad jimicsi samayso waxaad dhahdaa markaan jimicsado kadib shaygaas aan jeclahay baan samayn markaa naftaada way jeclaanaysa caadadii oo marwalba waxay uqaadanaysaa in shaygaas loo sameeyay uu yahay abaal marin lasiiyay.

8. Samir yeelo:  sida aan ognahay dhisida caado cusub wax fudud maaha ee waqti iyo dulqaad bay ubaahantahay marka wadadaan aad dooratay sabir bay kaaga baahantahay sidoo kale hadii aad samaysid wax caadadii jabinaya hal mar naftaada ha ku adkaan ee waxaad dhahdaa khaladku waa dhacaa laakin dib baan usoo dhisin caadadii aan jabiyay

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?