Waa maxay caafimaad qabka maanku?



Waxaa diyaarisay: Juweria Abdiwali

Caafimaad qabka maanka

Caafimaad qabka maanka waxaa loo tixgaliyaa inuu yahay badqadka  dareemeed, maskaxeed iyo midka bulsho ahaaned ee qofka. Wuxuu saameyn ku leeyahy siduu qofka u fikiro, wax u dareemo iyo siduu  wax uga falceliyo ama uga jawaabo, sidoo kale waxuu saameyn ku leeyahay siduu qofka uga falceliyo dhibka, siduu u samaysto xiriirada iyo siduu u yeelan lahaa doorasho una qaadan lahaa go’aan.

Waxyaabaha uu ka koobanyahay caafimaadka maanka

Waxa uu ka koobanyhay saddex qaybood oo kala ah:

1. Badqab dareemeed: waa awoodda uu qofku ku maamulo dareemihiisa, kagana jawaab celiyo dhibka iyo walwalka, sidoo kalena uu qofka kuso bandhigo dareemihiisa iyo tabashooyinkiisa habka ugu haboon.

2. Badqab maskaxeed: waxaa lala xiriiriyaa garaadka iyo garashada qofka, iyadoo ay kamid tahay qaab fikirkiisa, habka go'aan qaadashadiisa iyo waliba sida uu naftiisa u qeexo.

3. Badqab bulsho: waxaa loo tixgaliyaa inuu yahay habka uu qofku ula dhaqmo bulshada, una samaysto xiriiro caafimaad qaba iyo habka uu u dhexgalo bulshada.

Xanuunada Maanka ku dhaca.

Inkastoo xanuunada maanka ku dhaca ay badanyihiin waxaan kasoo qaadanaynaa dhowr xanuun;

1. Xanuunka walwalka ama (anxiety disorders):  waa mid ka mid ah xanuunada maanka oo kaas oo lagu garto dareemo xad-dhaaf ah oo waqti dheer jira, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabsi, walwal, iyo walaac ah.

2. Xanuunka niyad-jabka ama (Depressive Disorders): waa mid ka mid ah xanuunada ku dhaca maanka kaas oo lagu garto dareemo joogto ah oo ay ka mid yihiin murugo, rajo la'aan, farxad la’aan iyo walib inuu qofku yeesho xiiso la’aan dhanka  hawlahiisa maalinlaha ah, sidoo kalena marmarka qaar ku fekero inuu naftiisa dhib gaarsiiyo.

3. Xanuunka Waalida ama (Schizophrenia): waa mid ka mid ah xanuunada ku dhaca dhimirka, kaas oo saamayn daran ku yeesha hab fikirka qofka , dareemahiisa, iyo hab dhaqankiisaba.

4. Xanuunka Bipolarka (Bipolar Disorder): waa nooc ka mid ah xanuunada maanka  kaas oo lagu garto isbedelka dareemaha, isagoo marna qofku noqonayo mid dareen ahaan kacsan, marna noqonaya mid dareemo ahaan aad u niyadjabsan.

Qayb ka mid ah Calaamadaha lagu garto xanuunada maanka 

Inkastoo calaamadaha ku kala duwanyihiin xaaladaha haddana waxaan ka soo qaadanaynaa qayb kamida calaamadahaas:

1. Calaamado dareemeemo ahaan: waxaa kamid ah walwalka, murugada, rajo la’aanta iyo dulqaad la’aanta iyo waliba xanaaqa.

2. Calaamado dhanka garaadka ah: waxaa kamida xasuus darro, go’aan garida oo ku adkaata qofka, iyo in qofka ay ku adkaato inuu diiradda wax saaro.

3. Calaamado dhanka dabeecadda ah: waxaa qofka lagu arkaa inuu bulshada ka dhex baxo, balwada barto (dadka qaybtood), cuntadiisa iyo hurdadiisa isbadasho iyo sidoo kale inuu noqdo qof aan dhiiraneyn oo tamar la’aan ah.

4. Calaamado khatar ah: sida in qofku ku fikiro inuu dhib isgaarsiiyo iyo waliba inuu dhib gaarsiiyo dadka u dhow.

5. Calaamado jireed: waxaa qofka lagu arkaa xanuun iyo daqnasho guud ahaan jirka ah iyo waliba in lagu arko miisaanka oo dhaca ama kordha.

Sidee loola qabsadaa sidoo kalena loo daaweyaa xanuunada maanka?

1. Hadal ku daweyn (la talinta caafimaadka maanka):  waxaa qofka lagu dawayn karaa hadal, dhagaysi iyo la sheekaysi, iyada oo la taliyuhu ka caawinayo qofka in la xalliyo dhibka meesha uu ka soo bilaabmay, sidoo kale loo fidinayo qofka madal uu ku nafiso, dhibkiisana uga hadlo isagoo la eedaynayn ama la dhalleecaynayn.

2. Daaweyn: waxaa qofka lagu daweynayaa dawooyin isaga oo lala tacaalayo marba Xanuunka haya qofka iyo heerka uu marayo.

3. Daryeelka nafta: jimicsiga, cunista Cuntada nafaqada leh, nadaafadda iyo waliba jimicsiyada kala duwan waxay kor u qaadan badqabka maanka.

4. Caawinaad bulsho: in Ehelka, Asxaabta iyo Bulshadaba ay garab istaagto qofka waxay siinaysaa caawinaad dareen ahaaned oo xooggan.

Gabagabadii 

Fahamka caafimaadka maanku waa u muhiim guud ahaan badqabka qofka iyo bulshadaba, waxa uu kor u qaadayaa wacyiga bulshada wuxuuna dhimayaa Faquuqa lagu hayo dadka la nool xanuunada maanka; Sidoo kale wuxuu abuurayaa hab aan ku caawin karno bulshada si loo gaaro badqab maanka ah oo dhamaystiran.


Kaaba Mental Therapy oo ah xarun ka shaqaysa caafimaadka Maanka waxay diyaar kula tahay adeegga la-talinta caafimaadka maanka.

Nagala soo xiriir: +252907949431

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?