Faa'iidoyinka uu qoraalka maalinlaha ah uleeyahay caafimaadka maanka iyo guud ahaan nolosha qofka.
Qoraalka maalinlaha ah iyo caafimaadka maanka
Halkaan waxaan kuugu soo gudbinayaa faa'idooyin dhowr ah oo ay uleedahay qoristu caafimaadka maanka kuguna dhiiri-galinaysa inaad joogtayso.
1. Dareenkaaga inaad cabirtid: qoritaanku wuxuu kusiinayaa oo kaa caawinayaa inaan hesho meel ammaan ah oo dareemahaaga aad ugu cabiri kartid sida ugu saxsan iyo waliba fikradaha kaa dhex guuxaya taas oo faa'iidada aan ka helayso ay noqonayso inaad fahamto dareemahaaga, sidoo kalena uu yadaado cadaadiska aad ka gudaha dareemayso.
2. Naf milicsi/ dib u-eegis: qorista dareemaha iyo fikradaha kaa dhex guuxaya waxay kaa caawinaysaa inaad isku fiirsatid gudo ahaan, taasoo ka dhalanaysa inaad naf ogaal yeelatid dareemahaagana aad baratid iyo falcelinaha kala duwan ee jidhkaaga iyo dareemahaagaba.
3. Yaraynta cadaadiska gudeed: qoridda fikradaha kaa dhex guuxaya waxay kaa yaraynaysaa walaaca, walwalka iyo stresska aad markaas gudaha ka dareemaysid iyadoo kaa caawinaysa inaad fikradahaaga dib u habysid.
4. Niyad sami: qoritaanka joogtada ah waxay kugu hogaaminaysaa inaad heshid dareen mahadnaq/qanacsanaan iyo buuxid ama "Fullfilness" adiga oo ka mahadnaqaya nimcooyinkaa haysatid, waxay kaloo kaa caawinaysaa inaad heshid han iyo maan si togan u fakaraya.
5. Guulahaaga/caqabadahaaga iyo meelaha aanad ku fiicanayn ama ku fiicantahay ayaad kala soconaysaa: qoraalku wuxuu kaa caawinayaa inaad la socotid marxaladaha kala duwan ee noloshaada aad marayso iyo sidoo kale wadada aad ku socoto inay horey usocod leedahay iyo in kale, sidoo kalena waxay ku sahlaysa inaad la socotid una dabaal degaan guulahaaga yar-yar.
6. Awoodaada xallin ee dhibaatooyinka oo kor ukacaysa: qoraalka dareemahaagu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdid dhibta jirto xal waarana aad soo heshid.
7. Hurdadaada oo wanaagsanaata: qoraalka xilliga hurdada kahor waxay kaa caawinaysaa inaad maskaxdaada ka sifaysid dareemadii ku dhibayay si fududna aad hurdo fiican ugu seexatid.
8. Hal abuurkaaga oo siyaada: qoraalku wuxuu kor u qaada una diida inay gudahaaga ku dhintaan fikradaha hal abuurka leh ee gudahaaga ka guuxaya, sidoo kalena wuxuu kuu oggolaanaya inay fikrado cusub kaasoo maaxdaan ama aad ikhtiraacdid.
9. Awood la qabsi iyo adkaysi inaad yeelato: dib u milicsiga dhacdooyin horey kuugu soo dhacay adigoo u maraya hab qoris ah, waxay kaa caawinaysaa inaad samaysatid awood adkaysi, si fududna aad ula qabsatid caqabadaha kusoo foodsaaraya.
W/Q kaaba Mental Therapy
Comments