Sidee Dikriga iyo ducada uga qayb qaataan caafimaadka maanka?

 

Sidee Dikriga iyo ducada uga qayb qaataan caafimaadka maanka?

Ducadu waa waxa koowaad ee lagu daweeyo loogana qaado qalbiga culaysyada waayo Allah waa midka maamula quluubta; waana cida kaliya ee ka qaadi karta adoonkiisa culayska; inaad Allah baridaa marka laga yimaado ajarka wayn ee ay leedahay haddana waxaa aad muhiim u ah inaad Allah u daysaa awoodiisa una qirtaa kuna kalsoonaata isaga, 

allah subhanah ayaa noo balanqaaday in uu markaas adoonkiisa u gargaarayo oo caawinayo kana kor qaadayo culayska.

Waxaa jira xilliyo Allah uusan soo celin ducada ayna tahay in uu qofku xilliyadaa ka fa'idaysto, Allahna xidhiidh toos ah la yeesho xilligaa.

Sida uu allah inoogu sheegay qur’aanka meelaha ugu wayn ee culayka maskaxeed qofku isaga reebi karaa waa salaadda Rasuulka SCW wuxuu dhihi jiray markay dhib soo food saarto "bilaaloow inoogu raaxee", marka salaadu waa meelaha ugu waawayn ee qofku ku dareemayo xasilooni iyo deganaaan haduu say tahay u guto.

Sida aan wada ognahay nabi Muhammad (salalaahu calayhi wasalam) waxaa soo maray sanad loo yaqaano caamul xuzni isaga oo ay ka dhinteen xaaskiisa iyo adeerkiisa oo u jeclaa marna laf dhabar u ahaa diinta islaamka, 

dhacdadaas ayaa rasuulka ku keentay murugo aadna qalbigiisa u saamaysay heer ay taariikhyahannadu sannadkaa u bixiyeen sannadkii murugada si uu ilaahay subxaana wa tacaalaa uu u dhayo qalbiga nabiga una sabarsiiyo ayuu wuxuu kusoo dajiyay suuratu yuusuf “iyada oo ka sheekenaysa qisada nabi yusuf oo dhamaystiran” si Allah subhanah uu uga saaro nabi mohammed murugta qalbigiisa gashay;

Sidoo kale ma jirto qof ka wayn nabi muhamad oo aan ku dayan lahayn isaguna waxa uu subax walba Allah ka magan geli jiray; murugta, walwalka, caajiska iyo taagdarrada. 

Nabi muhamad salalaahu calayhi wasalam waxaa kusoo degtay ayaado badan oo allah oga qaadayay qalbigiisa culayska waxaana ka mid ah “  waxaa dhab ah inan ognahay qalbigaaga in uu diiqadeeyay waxa ay ku oranayaan nabi muhamadoow” kadibna waxa Allah u raaciyay “tasbiixso adiga oo ku daraya xamdiga Allah, kana mid noqo kuwa sujuudsan”  

Waxa kale oo Allah subhanah yiri “ Hooyaay dikriga Alle ayuu qalbigu ku dagaa”  

Mar kale wuuxuu yiri  “ilaahay waxa uu ahaaday la jirka kuwa sabra” 

Akhrinta qur’aanka waxa uu allah qofka oga faydaa culaysyada waayo qu’aanku waa hadalkii Allah, quraanka waxaa jira surado, jusas, iyo aayado badan oo allah uu ku dhayayo quluubteena hadii aan u fiirsanno.

Salaadda ducada iyo dikrigaba waa 3 waxyaabood oo waawayn saamayn waynna kuleh qofka caafimaadkiisa guud mid jidh ahaaneed iyo mid maskaxeedba.

Sidoo kale Allaha waxa uu cukaysyada kaga qaadaa adoonkiisa isaga oo aan kaliya eegin dhibka haysta ee ku sabra dhibka, nimcooyinka badan ee Allah siiyayna eega, kana xamdi celiya nimcooyinkaas.

Marwalba oo aad indhahaaga ku jeedisaa nimcooyinka kana soo celisaa dhibaatooyinka waxaa badanaya xasilooniadaada qalbiyeed.

Ilaahayna waa kuu saa'idini sida uu Allah aayad qur'aan ah ku yiri.

Intaas oo qormo ah waxaan kuugu soo gudbinay inaan ku dhayno qalbigaaga kuna xasuusino intaan wax kale loo gudbin faa'idada aad ka dhaxlaysid markaad qalbigaaga rabbi ku xirtid iyo nimcooyinka waawayn uu ilaahay noogu galladay uuna ugu waynyahay kitaabkiisa ilaahay waxaan ka baryayaa kuwii ku camal fala xassilooni qalbiyan ahna ka hela inuu naga dhigo.

W/Q KAABA MENTAL THERAPY

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?