Sidee u samaysan kartaa jadawal Hurdo oo caafimaad qaba?
Sidee u samaysan kartaa jadawal Hurdo oo caafimaad qaba?
1. samayso sidoo kalena joogtee hal jadwal oo aad ku dhaqantid hurdada ka hor, tusaale; hal waqti seexo, sidoo kalena soo toos, xitaa maalmaha aad fasaxa tahay.
2. samayso jadwal iyo caadooyin aad ka helaysid deganaaan, jidhkaaga gaarsiin kara hurdo, sida inaad akhrisid buug aad jeceshahay, ama aad qubaysatid, ama aad is carfisid xilliga hurdada ka hor.
3. meesha aad seexanaysid ka dhig meel aad ku dareemayso xasilooni; qolka aad seexanaysid ka dhig meel mugdi ah, buuqana, sawaxanka iyo sheekadaba ka maran hadii aad awoodo.
4. iska xadid isticmaalka shaashada computerka iyo mobileka mise dhaladaba ugu yaraan hal saac ka hor inta aadan seexan isku day inaad joojiso ama yarayso.
5. cuntooyinka iyo sharaabka ama biyaha aad cunaysid mise cabaysid xadid inta aadan seexan; iska ilaali inaad cuntid cunto culus ama aad cabtid coffee iyo shaah, xilliga aad seexan lahayd markay soo dhawaato.
6. Si joogta ah usamee jimicsi; maalinkii ugu yaraan 30 daqiiqo samee jimicsi yar ood si joogta ah usamaynaysid.
7. iska xadid walwalka iyo walaaca; adigoo isticmaalaya neefqaadashada qotoda dheer ama qoraya waxa ku dhibaya.
8. Hurdada maalintii xad uyeel; hadaad maalintii seexato isku day inaysan kabadan 20-30min iskana ilaali hurdada galabkii la seexdo.
9. Sariirta ka dhig meel hurdo bas aad ugu imaatid; haka dhigin gogoshaada meel shaqo walba aad ku qabsatid, sida inaad wax ku akhrisatid ama ku shaqaysid, ee ka dhig meel marka ay hurdo ku qabato ama aad nasasho doonaysid aad soo aadid.
10. Hadii intaa marka aad ku dhaqaaqdid hurdadaada ay hagaagi wayso fadlan raadso la talin caafimaad oo la kulan dhakhtar.
W/Q Kaaba Mental Therapy

Comments