Sidee u wanaajin karnaa caafimaadkeena maanka ee goobteena shaqada?
CAAFIMAADKA MASKAXDA IYO GOOBTA SHAQADA
Ka shaqaynta badqabka caafimaadka maanka xilliga shaqada waxay kor u qaada wax soo saarka qofka iyo guud ahaan caafimaadkiisa.
Habab fudud oo aad ku hagaajin karto waxaa ka mid ah;
1. Oga hadal hab furan dareemahaaga: kala hadal qofkasta oo sameeya waxwalba oo ku dhibaya ama badalaya dareemahaaga, ama soo dhaafa xuduudkaaga kuna dhiirigeli dadka kula shaqaynaya inay sidoo kale ka hadlaan dareemahooda laysna ixtiraamo.
2. Isku day marwalba inaa isku dheellitirto shaqada iyo noloshaada: marwalba hakuu kala saarnaadan xilliga shaqada iyo xilliga nasiinada!.
3. Iska ilaali inay kugu dhacdo culays shaqo “work overload” iyadoo kuu sii gudbin karta “burnout”, markasta ka qaado break shaqada, aad ku nasato.
4. Samayso ama waa in aad lahaata waxyaabo aad naftaada kaga farxinayso, caafimaadkagana ku wanaajinayso sida; inaad qur’aan akhrisatid, dikir, meel inta aad fadhiisatid 5daqiiqo adiga oo iska fogaynaya telephone iyo waxwalba oo ku mashquuliya, qaadashada neef qaadashada xooggan.
5. U samee qorshe cad oo aad ku maarayso stress(walwalka) maalin laha ah.
6.Ha kala hadlin noloshaada hoose sida; xidhiidhadaada, waxbarashadaada, mushkiladaha qoys ee ku haysta iyo guud ahaan waxqabadkaaga dadka meesha shaqada kula jooga, waayo dadkaas ma ahan saxiibadaada dhabta ah ee waa dad ay dan idin midaysay.
7. Haka waraysan dadka kula shaqeeya noloshooda hoose, waayo xaq uma lihid inaad wax ka ogaato!
8. Raadso caawin iyo la-talin caafimaadka maskaxda xilli walba oo aad u baahato.
Ugu danbayn; waxwalba waxaa ka muhiimsan naftaada, Naftaada waqti sii xilliyada aad daalantahay, niyad-jabsantahay, kabasho ay ku jirto iyo xilliyada nasiinada. Marwalba naftaada waqti la qaado si aad in badan isaga barato oo aad isu fahamto una samaysatid xuduudo caafimaad qaba.
W/Q: Kaaba Mental Therapy

Comments