Dhacdo xanuun badan kadib xaaladda dhalata(PSTD) ?
Dhacdo xanuun badan kadib xaaladda dhalata(PSTD) ?
Dhacdo xanuun badan kadib xaaladda timaada, waa nooc kamida xanuunnada maanka ku dhaca ka dib markaynu la kulnno ama ay naqabsato dhacdo xanuun leh. Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa oo waxwalboo ku saabsan xaaladaan oo ay ku jiraan calaamadaha, sababaha, iyo habka aad iskaga xakamayn lahayd xaaladan hadaad la nooshahay:
Calaamadaha lagu garto
Calaamadaha way ku kala duwanaan karaan dadka laakin afar qayb bay isugu soo ururayaan:
1. Qayb fikirka ku dhacda:
o Xasuuso xanuun badan: xasuuso aad u xanuun badan oo kusoo noqnoqonayo taasoo ku sababaysa marwalba maskaxdiisu inay dhacdadii la nooshahay.
o Riyo xun: Mar walba inuu ku riyoodo dhacdooyin la xiriira dhibtii soo gaartay.
o Mar walba ama inta badan in ay maankiisa hareenayso fikrado murugo ku reebaya taasoo u sabab ah dhacdadii xanuunka badnayd.
2. Ka Fogaansho:
Ka dheeraansho uu ka dheeraanayo qofku waxwalba oo dib u xasuusinayo dhacdadii xanuunka badnayd sida dadkii dhibka uu kala kulmay, meeshii uu dhibka ku qabsaday ama in lagala sheekaysto dhacdadaa xanuunka badnayd.
3. Saamaynta daran ay ku yeelato hab fikirka qofka
• Dareen taban oo joogta ah kaas uu ka haysto naftiisa ama dadka intiisa kale
• Waxaa ku adkaanaysa inuu dareemo shucuur togan sidoo kale wuxuu iska soocayaa oo ka dheeraanaya cidda u dhow.
4. Isbeddelada Jireed iyo dareen ahaaneed uu qofku la kulmayo:
Markasta argagax iyo cabsi baa ku furan sidoo kale had iyo jeer is ilaalin iyo feejignaan baa ku jirta.
Inuu seexdo hurdo caafimaad qabta ama wax uu diiradda saar ayaa aad ugu adag.
Maxaa keena xaaladan
• Dagaalo sokeeye.
• Tacadi kala duwan.
• Masiibooyin dabiici ah.
• Shilal daran.
• Geeri lama filaana oo ku timi qof qaali kugu ah.
Haddaba xaaladaan hadii aad la nooshahay qodobadaan aan hoos kuugu xusayo waxay kaa caawinaysaa inay kaa yarayso ama aad la qabsatid oo dareemadaan taban ay kaa yaraadaan, hadday intaa kaaga xallismi wayso ama xaaladaan nolol maalmeedkaaga carqaladaynayso Fadlan raadso latalin caafimaad ee maanka ah!
Waxyaabo aad ku xallinkarto ama ku xakamaynkarto xaaladaan
1. Dareemahaaga baro
Waxaa kamida inaad baratid waxa kicinaya dareemahaaga oo aad lasocotid markasta gudahaaga iyo fikradaha khaldan ee kusoo galaya. markastana aad ku badashid fikir togan, sidoo kale markasta uu kusoo galo dareen ah dhacdadii hore oo kale baa kugu soo fool leh inaad is dajisid iskuna sheegtid hadii aan dhacdo xanuun badan la kulmay kama dhigna inaan marwalba la kulmayo, wax hadda khatar timaamayana iima muuqdaan.
2. Samee habka neef qaadashada xeelka dheer
Markasta ood dareentid cabsi, dareemo taban ama laabta aad ka dareentid ciriiri samee habka neefsashada xeelka dheer adigoo sanka uga qaadanaya neefta si xeel dheer tartiibna uga sii daynayo afka.
3. Samayso jadwal maalinle ah oo naftaada ku socoto
Waqti ukala samayso xilligaaga nasashada, shaqada iyo waxbarashada . jadwalkaa joogtada ah wuxuu kaa caawinayaa inaad dareentid dareen ah waxwalba inay caadigoodi kusoo noqdeen.
4. Jimicsi joogta ah samee
Jimicsiga sida joogtada ah aad u samayso waxay kaa caawinaysaa dareemadii tabnaa eed dareemaysay inay yaraadaan ugu yaraan maalinkii 30 daqiiqo la imoow.
5. Qoraal
Qoristu waxay yaraysaa dhacdadii ku dhibaysay iyo dareemaha gudaha kaa gubayay, qor markasta fikrada taban aad dareemaysid kuwa toganna ku badal.
Ugu danbayntii dhacdadaa xanuunka badan ee kugu dhacday adiga wax khalada ood ku leedahay ma jirto wax aad adiga xadidi kartid ood maamuli kartid maaha, sidoo kale wax aad adiga isku haysid maaha inay kugu dhacdo iyo inkale waa qadar kaa wayn oo ilaahay kuu qoray!
W/Q:KAABA MENTAL THERAPY
Comments