Caafimaadka Maskaxda Caruurta
Caafimaadka Maskaxda ee Carruurta
Asbuucaan oo kale dunidu waxay u astaysay Asbuuca caafimaadka maanka ee caruurta, waxaana looga hadlaa Muhiimadda ay leedahay iyo sida loo Daryeeli karo caafimadka maskaxda caruurta.
Caafimaadka maskaxda carruurta waa mid aad muhiim u ah, sababtoo ah maskaxda caafimaadka qabta waxay ka caawisaa caruurta inay si wanaagsan wax u bartaan, ulana falgalaan caruurta kale iyo bulshadaba, sidoo kalena ay si habboon uga jawaabaan culaysyada nololeed iyo caqabadaha maalinlaha ah. Marka aan ka hadleyno caafimaadka maskaxda caruurta, waxaan ka hadlaynaa dareenkooda, fikradahooda, iyo awoodda ay u leeyihiin inay la qabsadaan xaaladaha kala duwan ee nolosha.
Maxay Muhiim u tahay Caafimaadka Maskaxda carruurta?
Caruurta marka ay u caafimad qabaan maskax ahaan;
1. Waxay leeyihiin dareemo deggan, niyad wanaagsan iyo hab fikir togan.
2. Waxay si fiican ula falgalaan caruurta kale iyo bulshada, sidoo kale waalidkooda, saaxiibadood, iyo macallimiintooda.
3. Waxay la qabsadaan caqabadaha, culaysyada iyo isbeddelada nolosha iyaga oo aan si xad-dhaaf ah u niyad jabin.
4. Waxay leeyihiin kalsooni nafeed iyo awood ay ku xallin karaan caqabadaha ay ula kulmaan sida joogtada ah.
Haddii caafimaadka maskaxda carruurta la dayaco, waxay u nuglaan karaan xanuunada nafsiga ah sida walbahaarka, walwalka, cabsida, iyo niyad-jabka.
Maxay yihiin Calaamadaha muujinaya In caruurtu La tacaalayaan Dhibaato Maskaxiyan ah?
Carruurta waxay si kala duwan u muujiyaan dareemahooda marka ay la dhibaatoonayaan xanuunnada maskaxda.
Calaamadaha aad fiiro gaar ah u yeelan karto waxaa ka mid ah:
1. Isbeddel lama filaan ah oo ku yimaada dabeecaddooda, sida xanaaq joogto ah, dareemahooda oo si dhow isu bedbedalayya ama oohin badan.
2. Hoos u dhac ku yimaada waxbarashadooda iyo rabitaanka inay iskuulka aadaan.
3. Dhibaato dhanka hurdada iyo inay ku adkaato inay seexdaan ama ay ku riyoodan riyooyin cabsi ah.
4. Ka fogaanshiyaha asxaabta ama ka dhex bixid bulsho (sida ka fogaanshiyaha saaxiibadda iyo qoyskooda).
5. Cunno xumo ama cunista cunno xad-dhaaf ah.
6. Cabasho joogto ah oo ku saabsan xanuun dhanka jirka ah, sida madax-xanuun ama calool xanuun aan lahayn calaamado muuqda.
Haddii aad dareento in ilmuhu leeyahay calaamadahaas, waa muhiim in carruurta la siiyo taageero nafsi ah oo degdeg ah.
Sidee looga hortagi karaa dhibaatooyinka Maskaxda ee Carruurta?
Waxaa jira habab kala duwan oo waalidku uga hortagi karo xanuunada maskaxeed ee caruurtu la kulmaan;
1. La dhiso ilmahaaga xiriir wanaagsan sidoo kalena caafimaad qaba oo u dhaxeeya labadiina.
2. Waalidku waa inay carruurtooda u muujiyaan jacayl, dhagaysi iyo dulqaad si ay ugu dareemaan agtooda nabad, kalsooni iyo badqab.
3. Carruurta waxay u baahan yihiin in ay ka maqlaan waalidkooda in ay mar walba garab taaganyihiin, waxwalbana iyagu ka xigsanayaan.
4. Marwalba waalidka waa inuu ka shaqeeya kor u Qaadista Kalsoonida Carruurta, iyaga oo ugu sheegaya hadal ahaan, una tusinaya ficil ahaan.
5. Ku dhiirrigelli carruurtaada inay muujiyaan dareenkooda oo ay si kalsooni leh uga hadlaan wixii walwal geliya ama culays ku abuuraya.
6. U oggolow inay go'aan qaataan marka ay ku jiraan xaalado ku habboon da’dooda si ay u dareemaan inay qiimo leeyihiin.
7. Marwalba Dhiirrigalli Dabeecadaha wanaagsan ee cunugaagu leeyahay.
8. Bar carruurtaada xirfadda xallinta dhibaatooyinka iyo sida ay si dagan ugu maareyn lahaayeen xanaaqooda.
9. Waxa kale oo muhiim ah in carruurta la baro inay yeeshaan hab fikir togan oo noloshooda la xiriira, marwalbana dhanka wanaagsan ay wax ka arkaan.
10. Waa muhiim in loo ogolaado caruurta waqti ay ku nastaan, kuna ciyaaraan, si ay isaga saaraan tamarta aan wanaagsaneen una dareemaan dhamaystirnaan.
11. Marwalba hubi cunadda carruurtaadu inay tahay cunto caafimaad leh, hurdo ku filanna ay seexdaan, iyo inay u heelan ciyaar ku haboon si joogta ah.
Haddii aad aragto in ilmahaagu la tacaalayo dhibaatooyin maskaxeed ama dareemo ahaaneed waxaa habboon in aad la tashato la taliye caafimaadka maanka ah.
KAABA MENTAL THERAPY waa xarun ka shaqaysa caafimaadka maanka waxaad kala xiriiri kartaa numberka shaqada; +252907949431
Waxaa diyaarisay; Ismahan Abdinasir

Comments