Badqabka Caafimaadka Maanka Ardayda.


 Badqabka Caafimaadka Maanka Ardayda.

 

Caafimaad qabka maanka ilamaha xiliga ardaynimada wuxuu muhiim u yahay guud ahaan caafimaadkiisa  iyo sidoo kale inuu ku guulaysto waxbarashadiisa.


 Muhiimaada ay leedahay caafimaadka maanka ardayda:

1. Tacliinta iyo waxbarashada: Ardayga la nool xanuunada maskaxeed ama qaba baahiyaha gaarka ah, waxaa saamayn ku yeesha xaladahaas, waxayna ku sababi karaan inuu lumiyo diiradsaariddiisa, waxayna ka qaada dhiirranaanta ardayga, waxayna saamaysaa guulihiisa iyo wax soosaarkiisa.

2. Xiriirada ardayga:  Ardayga la nool xanuun maskaxeed ama qaba baahiyaha gaarka ah, waxay saamayn ku yeelataa arrintaan, xiriiradiisa guud ahaan, sida kuwa kala dhexeeya saaxiibadiisa, waalidkiisa, macalimiintiisa iyo guud ahaan bulshada.

3. Dareemaaha ardayga: Ardaydu waxay wajaahaan cadaadisyo kala duwan, cadaadisyadaasna haddaan la xallin waxay samayn ku yeeshan dareemaha ardayga .

4. Caafimaadka jireed:  Badqabka jireed iyo midka maskaxdu waa isku xiranyihiin, haddi ardaygu la noolaado xaalad maskaxeed, sidoo kale waxay sababi kartaa inuu u jirado jir ahaan.

Xaaladaha caafimaadka maanka ee so wajaha ardayga;

Xaaladaha caafimaadka maanka ee soo wajaha ardayda waa badanyihiin balse waxaana ka mid ah:

1. Xaalad walaac (anxiety):  Arday badan ayaa la nool walwal ay ka qabaan imtixaanada ay galayaan, walwal ay ka qabaan bulshada waxay kulasoo noqon lahaayeen iyo ka fikirka mustaqbalkooda, kuwaaso ku sababaya inuu yeesho ardaygu walwal joogto ah ama anxiety.

2. Xaalad niyadjab (depression):  Arday badan ayaa la nool xaalado murugo, rajo beel iyo inaysan xiisa u hayn waxay qabanayaa kuwaaso saamayn ku yeelanaya ardayga shaqooyinkiisii maalinlaha ahaa.

3. Xalad walwal ama cadaadis (stress):  cadaadiska waxbarasho iyo midka shakhsiga ah ee ardaydu wajahaan waxay ku sababtaa walwal dabadheerada ama chronic stress.

Sidee loo caawin karaa ardayda la nool xaaladaha maanka.

1. Wacyigalin iyo waxbarid: Schoolada iyo guud ahaan goobaha waxbarashadu waa inay sameeyaan wacgigalino ku saabsan badqabka maanka waana inay baraan ardayda habka ay ula tacaali lahaayeen haddii walwal so wajaho.

2. In la helo adeeg caafimaadka maanka ah: Goobaha waxbarashada waa in laga helaa la taliyayaal caafimaadka manka ah, dhakhtarka dhimirka qaabilsan iyo walibi goob loogu talagalay adeegyadaas.

3. Saxiibo wanaagsan: Samaysiga ardaygu uu samaysto saaxiibo wanaagsan oo fahmaya, xaaladana fahamsan, waxay u sahlaysaa ardayga inuu xaladaha la qabsado, si fiicanna uga kabto iyo waliba inaan lagu faaquuqin xaaladaas.

4. Nolol maalmeedka ardayga oo saxan: Cunida cunto saxan oo caafimaad leh, jimicsiga iyo hurdada fiican oo ku filan  waxay kor u qaada caafimaad qabka maanka ardayga.

5. Barista ardayga habka walwalka loo la tacaalo: In la baro ardayga habab fudud oo uu kula tacaali karo xaaladiisa maskaxda sida, samaynta jimiciga, lugaynta,  neef qaadashada qotada dheer iyo waliba qorida waxa cadaadiska ku keenaya, waxay ka dhimaysaa ardayga walwalka iyo walaca waxayna ka caawinaysaa inuu iska xaliyo markasta oo uu dareemo cadaadis dheeraad ah.

W/Q: Kaaba Mental Therapy

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?