LA BOGSO RAMADAANKA-Episode (4)
EPISODE (4)
XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA NAF MILICSIGA IYO KORIIMADA NAFTA
Naf milicsigu waa wado uu qofku ku eegayo, ku qiimaynayo fikradihiisa, dareemihiisa, ficiladiisa iyo waxyaabaha uu ka helo dhiiri galinta.
Waa hab qoto dheer oo uu qofku ku fahmayo naftiisa taas oo ka caawinaysa koritaankiisa qofeed, go'aan qaadashadiisa, hormarinta, iyo hagaajinta badqabkiisa nafeed.
Faa'iidada Naf milicsiga;
1. Fahamka naftaada: dib-u eegistu waxay kaa caawinaysaa inaadd si buuxda u fahamto naftaada iyo dareemahaaga adiga oo si fudud u kala baranaya waxa ku kicinaya iyo waxa ku farxad galinaya
2. Hormarkaaga shakhsiyeed: Naf milicsiguwaxay kaa caawinaysaa inaad si mug leh u kala ogaato xirfadaha ku caawinaya iyo kuwa aan kugu haboonayn, sidoo kale xilliyada aad tamarta badan hayso iyo xilliyada kale
3. Go'aan qaadashadaada oo wanaagsanaata: Dib-u eegista naftaada waxay keensanaysaa inaad kala barato maalmaha aad kacsantahay inaadan go'an qaadan ama marka aad aadka u cadhaysantahay inaadan wax ficil ah samayn.
Hab Fudud oo aad u samayn karto Naf milicsi;
1. Samaynta Journaling: isku day inaad qorto mudo 2 isbuuc ama bil ama ka badanba dhamaan fikradahaaga,dareemahaaga,iyo khibradahaaga shakhsiyeed.
2. Dib-u eegid nafeed si maalinla ah: isku day inaad wax iska waydiiso maalinwalba waxii aad la kulantay iyo sida aad uga falcelisay, waxa ku mashquuliyay iyo sababta, waxa aad miraha ka keentay iyo waxa ku caawiyay.
Ugu danbayn; Dib-u eegida naftu waa hab lagama maarmaan u ah hormarkaaga shakhsiyeed, waxay kaa caawinaysaa inaad si qoto dheer isku fahamto ama u barato naftaada taas oo kaa caawinaysa inaad dadka kalana la yeelato xidhiidh caafimaad qaba.
W/Q: Asia Hersi "Psychotherapist"
Comments