LA BOGSO RAMADAANKA-Episode (1)


LA BOGSO BISHA RAMADAAN

Episode: 1


Ramadaantu waa bil aan dib u milicsano ruuxdeena, nafta aan xakamayno sidoo kale qoysaskeenana xiriiro adag oo wanaagsan la samaysano.

Halkaan waxaan kuugu soo gudbinaynaa habab aad kaga faa'idaysanayso la  bogshada bisha ramadaan.

1. Ruuxdaada waxay quudanayso:

A) Salaadda iyo dib umilicsi sannadkii tagay marxaladaha aad soo martay: bishaan nabiga (SCW) wuxuu yiri "qofkii istaaga ramadaan oo salaad u istaaga isagoo rumaysan ajarkeeda xisaabsanayana waxaaa loo dhaafa danbigiisi uu hormarsaday oo dhan".

B) akhriska quraanka: quraanka ood aad u akhrisaa micnihiisana aad ku tadaburtaa qalbiga ayuu kuu dhayin oo isaga kaligiis baaba qalbiga daaweeya maxaa moodaa cibaadadka iyo nimcooyin ka kale uu ilaahay bishaan nasiiyay ilaahay wuxuu quraanka ku yiri "waxa laabaaha dhexdooda ku sugnaaday ayuu daawo uyahay hanuun na wuu uyahay".

2. Naf anshixin: 

soonku waa waxa ugu wayn oo nafta xakameeya markaad cunistii iyo cabistii aad ka joogtid hadalka kiisa xun aad ka dheeraatid xumaan oo dhanna aad ka fogaatid bishaas naftaada waad xakamaysay hadhow markii bishu dhamaato way fududahay inaadan ku noqon caadoyinkii aan haboonayn waxaa kaloo ku fududanaysa caadoyin badan  inaa iska dhaaftid kuwa cusub oo wanaagsana aad abuuratid.

3. Acmaasha Wanaagsan:

A) Bulshadu inay iscaawiso: inaad isla wadaagtaan afurka qoyska waxay siyaadinaysaa dareenka ah inaad aad isku dhowdihiin iyo inaad is caawisaanba 

B) sadaqada: inaad wax ku sadaqaysatid dadka baahan iyadana waxaad helaysaa inaad ajarkeedi meel dhigatay marka koowaad tan kalena inaa noqotid bulshada ruux kamida oo baahiyahooda og aad tahay lana dareen noqotid.

4. Caafimaadka jirkaaga: 

Cunista aad cuntid cunno isku dheelitiran markaad afuraysid waxay kor uqaadaysaa caafimaadkaaga jireed sidoo kale waxaa aad muhiim u ah saacadaha aad afurantahy inaad biyo badam cabtid saad uga qayb qaadatid caafimaadka  jirkaaga iyo waliba so kabashadiisa.

5. Dareen ahaan inaad ubogsatid: 

Bisha ramadaan wuxuu alle aad noogu dhiiri galiayay inaan cafinno dadka taasoo aad kaaga caawinaysa inaad bogsato

Sidoo kale inaad noqotid qof mahadnaq badan oo mar walba indhahaaga ku jeedisid ilaahay nimcooyinkuu kuu galay waxay hab fikirkaaga ka wareejinaysaa waxyaabaha taban. 

"Ilaahay wuxuu idinla doonayaa fudayd"

W/Q: Maryam Mohamud "Certified Mh-Counselor"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?