LA BOGSO RAMADAANKA- Episode (2)
Episode 2: Awoodda Ducada
Ducadu waa hab uu qofku kula xiriirayo Allah, isagoo muujinaya baahiyahiisa, riyooyinkiisa, iyo dareenkiisa.
Muhiimadda Ducadu inoo leedahay ka muslimiin ahaan: Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah Cibaadada waxayna muujinaysaa in qofku si dhab ah ugu tiirsan yahay Allah.
Doorka Ducada ee Daaweynta nafta iyo ruuxdaba
1. Xiriir Ruuxi ah:
Ducadu waxay kor u qaadaysaa xiriirka qofka iyo Allah, taasoo ka caawineysa qofka inuu dareemo inuu u dhowyahay rabbigii yaqiinsadana awoodda iyo naxariista Allah.
2. Muujinta Dareenka:
Ducadu waxay ku siinaysaa fursad aad ugu muujiso Allah dareemahaaga kala duwan ee leh cabsi, walwal,murugo, riyooyinkaaga iyo hamiyadaada.
Ducadu Waxay kaa caawinaysaa in uu kaa yaraado ama kaa dhamaadaba dareemaha kalinimada, walaaca, quusta iyo niyad-jabka.
3. Rajada iyo Toosnaanta:
Iyadoo loola imaanayo Ducada sida ay diinta na fartay aha, markaas waxay kor u qaadaysaa rajada qofka ducaysanaya, iyagoo aaminsan naxariista ilaahay iyo awoodda uu u leeyahay inuu ka jawaabo ducadiisa.
Waxay xoojinaysaa iimaanka ducaysanaya, iyo in Allaha oga jawaabayo ducadiisa.
Noocyada Ducada:
1. Duco qofka u gaar ah: Ducada shakhsiyeed ee qofku ilaahay kaga baryayo inuu u hagaajiyo hawlihiisa iyo arrimihiisa.
2. Ducada loo duceeyo dadka kale: Ducada qofku uu ugu ducaynayo Ehelkiisa, waalidkiisa iyo saaxibadiisa ama xitaa qof uusan garaneen
3. Duco Qofku ku dalbanayo danbi dhaaf iyo raali ahaansho Alle: Ducadan qofku waxa uu ku dalbanayaa naxariista ilaahay iyo cafis.
Talooyin Wax Ku Ool ah oo ku Saabsan Saameynta Ducada iyo baryada ilaahay
1. Xulo Waqti Ku Habboon: Waqtiyada ugu wanaagsan ee ilaahay la baryo waxaa ka mid ah xilliga ugu dambeysa ee habeenka, inta lagu jiro Ramadanka, salaadaha waajibka ah kadib, iyo Jimcaha, saacada afurka ka horeysa iyo saacada salaadda subax ka danbaysa.
2. Noqo qof 100% Allah ku kalsoon: Xilliga ducada Ku soo dhawee qalbi furnaan, daacadnimo, hufanaan, iyo kalsooni. Aqoonsana inaad ku tiirsan tahay ilaahay.
3. Adeegso Magacyada Allah: Inta aad ku gudo jirto ugu yeedh Allah adigoo isticmaalaya magacyadiisa wanaagsan (Asma'ul Husna) .
4. Oga mahadceli Allah nicmooyinka tiro beelka ah ee uu ku siiyay: Ku bilow Ducada adigoo amaanaya Allah kana mahadcelinaya nimcooyinkiisa: Aqoonsiga nimcooyinkiisa waxay ka dhigeysaa ducadaada mid wax ku ool ah. Noqo Mid Allah kala hadla waxwalba: Si cad ugu sheego ilaahay baahiyahaaga iyo rabitaankaaga. Inaad sicad oga hadashaa waxay kaa caawinaysa diirad saarista fikirkaaga iyo niyaddaada.
7. Samir iyo Joogteyn: Noqo mid samir leh oo si kalsooni leh u sugaya ducadiisa. Ogoow in Allah kaga jawaabo ducada siyaabo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan.
Markasta la soco ilaahay ducada kama aqbalo qalbi mashquulsan iyo duco jawaabteeda la daahsado
Ugu danbayn; Bisha ramaadan waxaan qofwalba ku dhiirigelinaynaa inuu u ducaysto si maalinle ah, si aad u xoojisid xidhiidhka kaala dhexeeyo ilaahay iyo si aad kor ugu qaado caafimaadkaaga maanka adiga oo dhamaan murugadaada, cabsidaada iyo walwalkaaga Allah ku reebaya oo ka ducaysanaya inuu xaaladaan rabbi kaa kor qaado.
W/Q: Asia Hersi "Psychotherapist"
Comments