LA BOGSO RAMADAANKA-Episode (3)
Sidee naftaada ugu dhisi kartaa discipline ama xeerar iyo dabeecado Xooggan oo haddana joogto ah Inta Lagu Jiro Bisha barakaysan ee Ramadan.
1. Dejiso Yoolal Cad: Qorshee misana dejiso ujeeddooyin iyo yoolal cad oo ku saabsan dhinaca cibaadada iyo howlahaaga shakhsiyeed, sida akhrinta Qur'aanka ama kordhinta salaadaha sunooyinka ah ama dhagaysashada podcastyo muhiim ah.
2. Sameyso Jadwal Maalinle ah: U qorshee maalintaada gudaheeda waqtiyo kala duwan ee aad qabanayso acmaasha wanaagsan sida akhrinta qur’aanka, dikriga iyo cibaadooyinka kaleba, sidoo kale u samee jadwal nasiinadaada. Ku dadaal inaad raacdo jadwalkan si aad u hesho nidaam joogteyn ah.
3. Iska xakameey Cuntooyinka aan wanaagsaneen:
* Dooro cunto caafimaad leh: Doorashada cuntooyinka caafimaadka leh waxay kaa caawinayaan inaad si caafimaad qab ah ku dhamaysato ramadaanka, taasoo kor u qaadi karta diciplinekaaga.
* Ka Fogaanshiyaha Cuntooyinka Culus: Ka fogow cuntooyinka culus iyo kuwa aan nafaqada lahayn, gaar ahaan waqtiga Afurka..
4. Samayso Jadwal Cibaado oo joogta ah: Isku day inaad samaysato jadwal cibaado oo joogta ah, sida tukashada salaadda Tarawiixda iyo badinta dikriga iyo ducada si joogto ah.
5. Xaddid waqtiga aad geliso Baraha Bulshada: Iska yaree baraha bulshada iyo waxyaabaha kale ee kaa mashquulinaya si aad u diirada u saarto Ramadankaaga iyo cibaadadiisa.
6. Ka Qaybqaado shaqooyinka Bulshada: Ka qaybqaado shaqooyinka bulshada ee dadku sida mutadawacnimada ah oga shaqeeyaan sida afurinta dadka masaakinta, ciidsiinta agoonta iyo dadka aan waxba haysan, adiga oo Allah ugu dhawaanaya arrinkaas.
7. Marwalba Allah oga Mahadceli nimcooyinka badan ee u kusiiyay.
8. Ku dedaal Daryeelkaaga Nafeed: Marwalba ku dedaal inaad hesho nasasho kugu filan, sidoo kale biyo kugu filan aad cabto xilliga Afurka ilaa suxuurta, sidoo kale seexato hurdo kugu filan, isku day haddi aad u baahantahay caawin dheeraad ah inaad raadsato la-taliya caafimaadka maskaxda ah.
Ugu danbayn;
Ramadaanka waa fursad weyn oo aad ku dhisan karto discipline xoogan, Isku day inaad noqoto qof ay ka go'an tahay inuu ka faa’iidaysto bishaan barakaysan ee Ramadaan adiga oo raacaya qorshayaashaada.
W/Q: Asia Hersi "Psychotherapist"
Comments