Muhiimadda ay leedahay inaad ka warqabto caafimaadkaaga maanka
Muhiimadda ay leedahay inaad ka warqabto caafimaadkaaga maanka!
Si joogto ah aad u kormeertid caafimaadkaaga maanka aayaa muhiim u ah ilaalinta caafimaadka guud halkaan waxaan kuugu soo gudbinayaa faa'iidada ay noo leedahay iyo sida aan u hubinayno caafimaadkeena maanka
1. Naf ogaal: si joogto ah ood u hubisid caafimaadkaaga maanka waxay kugu dhiiri galinaysaa inaad dib u milicsatid dareemahaaga iyo naftaada taasoo kaa caawinaysa inaad baratid dareemahaaga,fikradahaaga iyo dabeecadahaagaba.
2. Barashada isbedellada kugu imaanaya: si joogto ah ood ula socotid caafimaadkaaga maan waxay kaa caawinaysaa inaad baratid isbedellada ku imaanaya dareemahaaga iyo dabeecadahaagaba xili hore
3. Maaraynta Welwelka (stress): kormeerka iyo ka warqabkaba waxay kaa caawinaysaa inaad baratid waxa kugu keenaya stresska iyo waxyaalaha kicinaya waxay kaloo kaa caawinaysaa inaad samaysatid la qabsi sidoo kalena uu kaa yaraado walaaca.
4.Waxay kuu sameenaysaa dabeecado caafimaad qaba: si joogto ah ood u kormeertid caafimaadkaaga maan waxay kuu sameenaysaa dabeecado caafimaad sida inaad si joogto ah naftaada udaryeeshid ama taageerada aad ubaahantahay inaad raadsatid
Habka ugu wanaagsan eed kaga warqabi kartid caafimaadkaaga maanka
1. Jadwal degso aad ku kormeeraysid caafimaadkaaga maanka
2. Qoraal isticmaal oo qor hadba xaalada aad ku sugantahay si aad ula socotid is bedellada kugu imaanaya
3. Su'aalo gooniya iswaydii sida" maanta maxaan dareemayaa" "caqabado nooceeyaa la kulmayaa"
4. Daacad isku ahoow oo si daacada su'aalaha iswaydiinaysid uga jawaab kormeerkana si daacada usamee
W/Q: Kaaba Mental Therapy

Comments