Muhiimadda ay noo leedahay naf la hadalka wanaagsan

 

Muhiimadda ay noo leedahay naf la hadalka wanaagsan

Naf la hadalka wanaagsan ee si joogto ah nafta aad ula hadashid waxay hormarisaa caafimaadka maanka sidoo kalena noo abuurtaa hab fikir togan haddaba maxay tahay faa,idada aan ka dhaxlayno

1. Waxay kor uqaadaa kalsoonida nafta: naf la hadalka wanaagsan waxay kusiinaysaa naf arag togan wuxuuna yareeyaa naf la hadalka taban taasoo ka dhalanayso inay siyaado  kalsoonida aad naftaada ku qabto

2. Waxay taageertaa inaad u fikirtid hab togan: erayada aad si joogto ah aad ugu celcelisid waxay kaa caawinaysaa inuu hab fikrikaagu koro

3. Wuxuu yareeyaa isku buuqa iyo walaaca: naf lahadalka wanaagsan wuxu u shaqeeyaa sidii dajiyihii markii lagu jiro xaalad stress abuuraysa wuxuu sidoo kale xal uyahay walaaca wuxuuna kaa caawinayaa inaad diirad saar yeelatid.

4. Wuxuu kor uqaada caafimaadka dareen: ayadoo la dhiiri galinayo naf jacaylka iyo naftoo lagu aqbalo say tahay naf la hadalka wanaagsan waxay ka qayb qaadataa qofku inuu kor uqaado dareenkiisa shucuureed.

5. Waxay abuuraysaa deegaan togan: la wadaagidda aad la wadaagaysid dadka kale ama samaysashada dad aad isku xirantihiin ood isla samaysaan waxay kor uqaadaysaa naf aragiina iyo hab fikirkiina.

W/Q: Kaaba Mental Therapy

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?