TAAGEERIDDA IYO GARAB-ISTAAGA QOF KUGU QAALI AH OO LA NOOL XANUUN MASKAXEED
TAAGEERIDDA IYO GARAB-ISTAAGA QOF KUGU QAALI AH OO LA NOOL XANUUN MASKAXEED
Taageeridda qof kugu qaali ah oo la nool xanuun maskaxeed waxay noqon kartaa caqabad, laakiin garab istaagaaga, naxariistaada iyo fahamkaaga waxay door weyn ka ciyaari karaan bogsashada iyo soo kabashada bukaanka.
Siyaabo kala duwan oo aad taageero u siin karto qof kugu qaali ah oo la nool xanuunada maskaxda;
2. U Dhageyso si firfircoon: U abuur jawi ammaan ah oo ay ku muujin karaan dareenkooda, u ogoloow inay dareenkooda u cabiraan habka ay doonayaan, Ka fogow inaad carqaladeyso, cabudhiso sidoo kale iska ilaali inaad siiso talo iyo amaro uusan qofku kaa codsan, mararka qaar waxay u baahan yihiin kaliya inay hadlaan oo la dhagaysto.
3. Ku dhiirigeli inuu raadsado caawin dawo iyo la-talin: Si tartiib ah ugu soo jeedi in uu raadsado la-talin ama daryeel caafimaad, haddii aysan horey u helin. Ka caawi inuu helo la-taliye caafimaadka maskaxda ah ama dhakhtar daaweeya xanuunada maskaxda, una raac si aad u taageerto.
4. Noqo qof dulqaad leh: Ka soo kabashada xanuunkan waa geedi socod dheer oo leh inaad dareento horey u socod iyo inaadan dareeminba wax isbadal ah, marwalba ahoow qof u dulqaata xaaladda is badal la’aan.
5. Ku Dhiirrigeli Daryeelka Naftiisa: Ku dhiirrigeli waxyaabaha yaryar ee kor u qaadaya caafimaadkiisa, sida jimicsiga, cunista cunto caafimaad leh, ama samaynta waxyaabaha uu hibada u leeyahay. Isku day inaad kala qaybqaadato hawlahan si uu u dareemo garab istaag, una xoojisid xidhiidhkiina.
6. U Deji xuduudo caafimaad qaba: In kastoo qofkaan qaaliga kugu ah aad taageereyso, waa muhiim inaad ilaaliso caafimaadkaaga maskaxeed. U deji xuduud caawintaada sidoo kale xilliyada ay ku heli karaan si aadan u noqon mid aad u daalan, isku day marwalba inaad naftaada daryeesho. Adiga oo siinaya garab istaag iyo taageero joogto ah, haddana waxaad ku caawin kartaa qofkaan qaaliga kugu ah inuu maro isagoo isku filan, safarkiisa nololeed ee bogsashada.
W/Q:Kaaba Mental Therapy
Comments