Sidee ayay Qoysku u Taageeri karaan qof la nool xaaladda Autismka?

 

Sidee ayay Qoysku u Taageeri karaan qof la nool xaaladda Autismka.

1. Fahamka Autismka: waa muhiim in dhamaan xubnaha qoysku fahmaan Autism waxa uu yahay iyo sida uu u saameynayo qofka, Tan oo ka caawin doonta inay si fiican u fahamaan baahida qofka la nool xaaladdan.

2. Hab furan ula hadal: dhamaan xubnaha qoysku waa muhiim inay isticmaalaan habab furan oo fudud misana aanan ku jirin hadal qalafsan ama adag, uguna muujiyaan fikradahooda iyo dareenkooda hab toos ah.

3. Jadwal Maalinlaha: U sameynta jadwal maalinle ah oo uu raaci karo qofka la nool xaaladdan waxay ka caawinaysaa inuu dareemo deganaan, nabad iyo xasilooni.

4. Ka shaqaynta aqbalidda Bulshada: Dhamaan xubnaha qoyska, kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, hay'adaha ka shaqeeya caafimaadka maanka waa inay abuuraan fursado ay ku kulmaan heerarka kala duwan ee bulshada loogana hadlo dhamaan fikrada khaldan ee laga haysto xaaladda Autismka, la iskuna waydaarsado aqoon ku saabsan xaaladdan.

5. Marwalba ka caawi inaad barto xirfad: Ka caawi in aad barto xirfad cusub sida qabsashada shaqooyinka maalinlaha ah iyo waxbarashada.

6. Aqballida kala duwanaanshiyaha: Xubnaha qoysky waa inay marwalba u muuji aqbalaad, jacayl, iyo ilaalinta dareemahooda iyaga oo walibana tixgalinaya kala duwanaanshiyaha, tan waxay dareensiinaysaa dadka la nool xaaladaan inay yihiin dad muhiim ah.


Ugu danbayn; @kaaba_therapy waxay codkeeda ku garab istaagaysaa dadka la nool xaaladdan Autismka, waxa ayna bulshada iyo qoysaskaba xasuusinaysa in la kobciyo fahamka loo leeyahay xaaladdan sidoo kalena loo abuuro deegaan daryeel leh iyo aqbalaad, ugu danbaynna aynu wada dhisanno deegaan isku mid ah laguna ixtiraamo kala duwanaanshiyaha dadka.

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA FAHAMSANTAHAY XANAAQA IYO HABKA LOO MAAREEYO?

Mental health awareness

Sidee Baan U Xallin karnaa Culaysyada Nasoo wajaha?