Sidee Buu Qofku Ku Ogaan Karaa Inuu la noolyahay Xanuunada Maanka?
Sidee Buu Qofku Ku Ogaan Karaa Inuu la noolyahay Xanuunada Maanka?
Caafimaadka maanka waa tiirka ugu muhiimsan ee nolosha aadamaha, waana meesha ay ka dhashaan dareenka, fikirka, iyo xiriirka uu qofka la leeyahay, naftiisa iyo dadka kale. Marka qofku maan ahaan u xanuunsado, ma umuuqdo sida dhaawaca jirka, balse saamayntiisu waa mid ballaaran oo saamaynaysa qofka oo dhan nolol, caafimaad, waxbarasho, xiriir, iyo shaqo.
Su’aasha muhiimka ah waa Sidee baan ku garan karaa inaan la noolahay xanuun dhanka maanka ah?. Waa su’aal dad badan ka baqaan, qaarna ka xishoodaan iney weydiiyaan. Halkan waxaan ku eegi doonnaa calaamadaha guud ee kuu sheegaya in maankaagu uu u baahan yahay daryeel iyo caawimaad.
1. Isbedel aan la fahmi karin oo ku yimaada niyaddaada iyo dabeecaddaada
Qofka wuxuu dareemayaa murugo joogto ah, xanaaq degdeg ah, niyad jab, kalinimo iyo caro aan sabab lahayn. Mararka qaar waxaad dareemaysaa sidii qof gudaha ka jaban, in kasta oo dibadda lagaaga malaynayo in wax walba kuu hagaagsan yihiin. Haddii isbedelkaas uu socdo maalmo ama toddobaadyo, waxaad u baahan tahay inaad naftaada dhagaysato.
2. Hurdo la’aan ama hurdo badan oo aan caadi ahayn
Hurdo la’aanta ama hurdada xad-dhaafka ah waa calaamado caadi ah oo ay la socdaan xanuunada sida niyad-jabka (depression) iyo walaaca (anxiety). Maskaxda oo mashquulsan, fikir joogto ah, iyo cabsida mustaqbalka waxay kaa qaadaan hurdadaada caadiga ah.
3. Awood yari ama tamar darro joogto ah
Marka maanku uu xanuunsanayo, jidhkuna wuu dareemaa. Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal joogto ah, madax-xanuun, calool fadhi, ama murqo xanuun. Xanuunada maanka waxay saameeyaan dareemaha jirka.
4. Naf ka quusasho
Mid ka mid ah calaamadaha ugu daran ee xanuunanada maanka waa marka qofku dareemo inuusan muhiim ahayn, nolosha uu ka daalay, ama xitaa uu ka fekero is-dil. Haddii fikirkaas kugu soo noqnoqdo, waxaad u baahan tahay in si degdeg ah aad u raadiso qof aad kala hadasho dareemahaas sida qoyskaaga qof kamid ah, saaxiib, kalkaaliso caafimaad, ama la taliye caafimaadka maanka.
5. Dhibaato ku timaada shaqada,waxbarashada ama xidhiidhada dadka
Marka aad la tacaalayso xanuunada maanka, waxaad arkaysaa in waxbarashadii kugu adkaato, shaqadii hoos udhac kaaga yimaado ama aadan sidii hore ku ahayn.
Waxaa kale oo dhacda in aad dadka ka fogaato, xiriirka qoyska iyo saaxiibada uu xumaado. Waxaad dareemaysaa in aysan kuu dhadhameynin waxyaabihii horay kuu farxad gelin jiray.
6. Barashada iyo Isticmaalka xad-dhaafka ah ee qabatinka daroogooyinka sida; sigaarka ama waxyaabo kale si aad nafta ugu dejiso
Dad badan waxay isku dayaan inay baabi’iyaan xanuunka maanka iyaga oo adeegsada noocyada kala duwan ee qabatinka daroogada, ciyaarista games kala duwan ama dheelista khamaarka iyo cabida cabitaanada maanka dooriya. Laakiin taa badalkeeda, waxay dhaawac u geysataa caafimaadka maanka qofka iyo jirkaba.
Maxaa la gudboon qofka dareemaya calaamadahan?
1. Ha u dareemin ceeb – Xanuunada maanku maaha ceeb, mana ahan dembi. Waa sida xanuunada jirka oo kale, taa badalkeeda raadso caawimaad.
2. La hadal qof aad ku kalsoontahay – la wadaag xaaladaada Qof ku fahmaya waxaad dareemeyso sidoo kalena kaa caawin kara inaad hesho gargaar.
3. Raadso caawimaad – La tashi la samee la taliyayaal caafimad ka maanka ama dhakhaatiir qaabilsan dhimirka.
4. Qor dareenkaaga – qor sida aad dareemayso si aad u hesho iftiin gudaha ah, aadna u hesho xal dhow, sidoo kalena aad u nafisto.
5. Samee nasasho iyo jimicsi fududsocod – seexashada fiican, iyo cunista cunno caafimaad leh kuwaan oo dhan waxay maskaxda siiyaan xasilooni.
Gunaanad
Caafimaadka Maanku waa laf-dhabarta nolosha. Ma aragno, balse waxaan dareemnaa marwalba gaar ahaan markuu dhaawacmo. Inaad dareento murugo, walbahaar, ama niyad-jab ma aha tabar darro, daciifnimo ama liidnaan ka jirta dhanka iimaankaaga – waa qeyb ka mid ah bani’aadannimada. Waa muhiim inaad fahanto calaamadaha xanuunada maanka si aad isugu naxariisato oo aad u hesho taageero kahor inta aysan xaaladdaadu kasii darin.
Naftaada dhagayso, dareenkaaga xurmee, una oggolow naxariista iyo bogsashada inay qeyb ka noqdaan nolol maalmeedkaaga.
W/Q: ASHA AHMED

Comments