Sida u caawin kartaa qof ku jira Xaalad Degdegga ah ee Caafimadka maanka ah?
Sida u caawin kartaa qof ku jira Xaalad Degdegga ah ee Caafimadka maanka ah?
Xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka maanka waa kuwa si lama filaan ah u dhacaya oo saameeya fikirka, dareenka iyo hab-dhaqanka qofka. Si loo maareeyo:
- Deji naftaada marka hore: Haddii aad ag joogto qof xaalad degdeg ah ku sugan, isku day inaad deggenaato si aad si sax ah ugu fikirto.
- Hubi badbaadada qofka iyo dadka kale: Ka fogee waxyaabaha halista ah, una hubi meel ammaan ah.
- La hadal si deggan: Isticmaal cod hoose, erayo gaagaaban oo naxariis leh.
- Raadi caawimaad xirfadlayaal: Haddii ay tahay xaalad daran (sida isdil ama waxyeello kale), isla markiiba wac adeegyada caafimaadka ama qof khabiir ah.
- Xusuusnow, tallaabo kasta oo aad qaaddo waxay noqon kartaa isbeddel badbaadin kara nolosha qofkaas.

Comments